Wefti Ka Socda Kongresska Maraykanka oo Safar Xaqiiqo Raadin ah Ku Yimid Somaliland

0
113

Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL Ciise Kayd Maxamuud, ayaa dalka ku soo dhoweeyey hawl-wadeenno ka socda golaha kongreeska Maraykanka ee (US Congressional Staff) oo markoodii labaad soo booqday dalka.

Safarkan xog-raadinta ah ee xilligii ku habboonaa ku soo beegmay, waxaa isku soo dubba riday Urrurada American Humpty Dumpty Institute (HDI) iyo American Global Institute (AGI). Waxaana soo qaban qaabiyay safarka Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Redsea Cultural Foundation (RCF).

Waxaana weftigan hogaaminayay Dr. Al Khalafalla, oo ka socday machadka HDI, iyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac, oo ah guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee red sea (RCF), wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiir Ciise Kayd, oo weftiga soo dhaweeyay ayaa u sharaxay weftiga xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo taariikhdeedda soo jireenka ah, iyadoo ay hadda muddo todobaad ahi ka hadhay xuska sanad guuradda 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay jamhuuriaydda Somaliland xorniamdeedda ka qaadatay boqortooyadda Ingiriiska.

Ciise Kayd Maxamuud, waxa uu ka sheekeeyay taariikhda midawgii ay Somaliland la gashay Soomaaliyadii Talyaanigu, gumaysan jiray iyo dhibaatadii ay kala kulantay. Waxa kaloo uu wasiirku ka waramay horumarka ay Somaliland ku talaabsatay tan iyo markii ay gooni isuku taageedda kala soo noqotay Soomaaliya.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin amniga, kala danbaynta, doorashooyinkii is xig xigay, oo kii u danbeeyay la hirgelinayo nidaamka biometric, ee Bu’da isha lagu sawirro, oo aan dalal badan oo caalam ka ka suurto gelin.

Sidoo kale wasiir Ciise Kayd, ayaa ka codsaday weftigan ka socday Maraykanka in ay kala shaqeeyaan qadiyadda qaran-nimadda Somaliland, isla markaana ay gaadhsiiyaan dalkoodda Maraykanka, maadaama oo masuulka weftiga hogaaminayay uu ku guulaystay qadiyado badan oo caalamka ah oo uu gaadhsiiyay wadankiisa.

“Waxaa la gaadhay wakhtigii aad si dhab ah u taaban lahaydeen, una arki lahaayeen, wax badan oo Somaliland ka jira oo looga sheekeeyay. Waxaan idin xasuusinayaa waxaad ku sugan tihiin dal ay leeyihiin dad isku tashaday, is aaminay, dalkoodiina dib u dhistay, isla markaana ay hogaaminayaan kuwii heeryadii kaligii taliyaha ka tuuray”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

 

 

 

Dr. Al Khalafalla, waa khabiir ku takhasusay siyaasadda guud isagoo khibrad gaar ah u leh Bariga Dhexe iyo Afrika. Isagoo na ah madaxweynaha La-talinta Caalamiga ah ee Maraykanka iyo Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha Machadka Humpty Dumpty (HDI), iyo hay’ad xidhiidh dhaw la leh Congress-ka Mareykanka.

Intii uu u shaqaynayey Dr. Khalafalla, waxa uu xidhiidh ballaadhan la yeeshay ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Bariga Dhexe iyo Afrika si loo horumariyo koboca dhaqaalaha iyada oo loo marayo barnaamijyo waxbarasho iyo tababar.

Geesta kale, Jaamac Muuse Jaamac, guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargaysa, ayaa isan weftigan u sheegay in ay indhahoodda ku arkaan xaqiiqada ka jirta Somaliland, isla markaana ay dawladoodda Maraykanka gaadhsiiyaan wixii ay ku arkaan ee ah qadiyadda qaran-nimadda Somaliland.

“Idinka ayaanu idiin daynaynaa in aad indhihiina ku aragtaan wax kastoo jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay dhamaanba al-baabada u furayaan, si ay xaqiiqada jirta iyo fariinta dhabta ah ee xaqiiqada ka jirta qadiyadda qaran-nimada Somaliland markhaati uga noqdaan.

Si ay u gaadhsiiyaan dalkoodda iyo dadkooda Maraykanka, waxaanad indhihiina ku arki doontaan xaaladda nololeed ee maalin laha ah ee bulshadda Somaliland” ayuu yidhi Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Waa booqashadii labaad ee xaqiiqo raadin ah ee wefti hawl-wadeenno ah oo ka socda Golaha Baarlamanka Koongareeska Maraykanku ay ku yimaadaan jamhuuriyadda Somaliland muddo labo sannadood gudahood ah.

Waxaana lagu wadaa in muddada ay dalka ku sugan yihiin in ay xog-ururin ka sameeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan ee danaha labada waddan ee Somaliland iyo Marayanku ku jirto.