Qaar ka mid ah Ilaaliyeyaasha Imtixaanka Shahaadiga oo Tababar looga Furay Hargeysa

0
61

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Xasan Qalinle,  ayaa tababar uga furay magaalada Hargeysa qaar ka mid ah ilaaliyayaasha imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

Tababarkan oo ah mid socon doona muddo hal maalin ayaa waxa kasoo qayb galay gudoomiyaha waxbarashada gobolka Marood-jeex, maamulka jaamacada Hargaysa iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka.

Tababarkan ayaa u jeedadiisu tahay sidii ilaaliyayaasha loo siin lahaa habraac dhamays tiran oo ku saabsan hanaanka ilaalinta imtixaanka iyo sidoo kale sida ay ula macaamilayaan xaaladaha goobaha ilaalinayaan.

Tababarkan ayaa ka mida tababaro xafiiska imtixaanaadku maalmihii u danbeeyay ku qabtay dhamaanba gobolada dalka iyado xafiisku ahmiyad gaar ah siiyay.