Faa’iidooyinka Joogteynta Geedka Baytaraafka

0
181

Qormada labaad ee Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu todobaadkan ku soo qaadanaynaa, faa’iidooyinka laga helo joogtaynta Baytaraafka iyo waxa uu ka taro caafimaadka qofka Bani’aadamka ah.

Inta aynu ku jirno qormada labaad waxa aynu is dul taagi doonaa, yaa loo ogol yahay inuu cabo ama cuno isaga oo joogtaynaya Baytaraafka, muxuuse u taraa maqaarka jidhka iyo guud ahaan caafimaadka qofka.

 

Haddaba Baytaraafku waa khudrad caafimaad ahaan faaido badan dalkeennana laga heli karo. Baytaraafka waxaa ka buuxa nafaqooyin aas-aasi ah sida fitamiin C, Fitamiin A, folate, potassium, magesium, phosphorus iyo xadiid. Sidoo kale, waxaa ka buuxa maadooyinka jirka ka saara sunta.

Maadada “betalain” ee ku jirta baytaraafka waa sunsaare awood badan taas oo la dagaallanta hurka kana hortagta kansarka iyo cudurro kale. Maadadani waa tan baytaraafka u samaysa midabkiisa casaanka.

Hadaba qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa waxtarka caafimaad ee baytaraafka.

Ka hortagga wadne qabadka iyo dhan-qallalka: 

Baytaraafku waxa uu hodan ku yahay maadada “folate” taas oo caawisa koriimada iyo shaqada u unugyada. Maadadani waxa ay ka hortagtaa in dhaawac uu gaaro unugyada jirka khaasatan xididada dhiigga. Tani waxa ay yareysaa halista cudurrada wadne qabadka iyo dhan-qallalka.

Dhiig Karka: 

Baytaraafka waxaa si dabiici ah ugu badan maadada “nitrate” taas oo jirku uu u bedelo maado kale oo loo yaqaanno “nitric oxide”. Maadadani waxa waxa uu hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga, iyadoo dejisa islamarkaanaa ballaarisa xididada dhiigga.

Ciyaartooyda 

Cabitaanka baytaraafka waxa uu caawiyaa habsami u shaqaynta wadnaha iyo sambabada ee xilliga jimicsiga. Maadada “Nitric oxide” ee ku jirta baytaraafka waxa ay kordhisaa qulqulka dhiigga ee gaadhaya murqaha. Ciyaartooyda qaar,waxa ay cabbaan cabitaanka baytaraafka jimicsiga ka hor si ay uga helaan tamar iyo awood.

Xoojinta Difaaca jirka: 

Baytaraafka waxaa ku badan “faybar” waxaana uu kobciyaa bakteeriyada faaidada leh ee caloosha. Dheefshiidka oo hela bakteeriyada caafimaadka leh oo badan waxa ay caawisaa la dagaallanka cudurrada waxayna sare uu qaadaa awoodda difaaca jirka. Sida oo kale, faybarku waxaa uu wanaajiya cunno shiidista, waxaana yareeyaa halista calool istaagga.

Caafimaadka maqaarka: 

Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, cabbista cabitaanka baytaraafka waxa ay la dagaallantaa hurka, waxayna kobcisaa qulqulka dhiigga, oo labaduba muhiim u ah caafimaadka maqaarka.

Caafimaadka caloosha: 

Baytaraafka waxaa ka buuxo faybar, kaas oo wanaajiya cunno shiidista, kana hortaga calool istaagga iyo baabasiirka.

Ka hortagga dhiig yarida: 

Baytaraafka waxaa ku badan macdanta xadiidka oo muhiim ah oo kordhinta heerka barootiinka “haemoglobin” ee dhiigga, kana hortagta xanuunka dhiig yarida., khudraddan, waxaa kaloo kaloo ku jira fitamiin C, kaas oo caawiya in jirku uu cunnada ka nuugo madanta xadiidka.

Hamiga jinsiga: 

Beytaraafku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka taariikhihii hore ahaa dawo dhaqameed loo isticmaalo xoojinta awoodda jinsiga.

Macaanka: 

Baytaraafku waxa uu xakameeyaa heerka sonkorta ee dhiigga, waxaana uu ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulinta.

Sun saarista: 

Bayataarfku waxa uu jirka kaa caawiyaa sunsaarista, sababtuna waa maadada “Betalain” ee ku jirta. Maadadani waxa ay wanaajisa shaqada beerka, waxayna jirka ka nadiifisaa sunta. Si aad jirkaaga uga saarto sunta, isticmaal baytaraafka maalin kasta.

Yaan loo ogolayn baytaraafka? 

Baytaraafka waxaa ku badan maadada “oxalate” taas oo qayb qaadata samaysanka dhagaxaanta kilyaha, sidaas awgeed hadii aad qabto kilyo xanuun ama hadda ka hor lagugu sheegay dhagaxaan kilyaha ku samaymay, ka dheeroow isticmaalka baytaraafka.