Wasaaradda Caafimaadka JSL, oo Khubaro Caafimaad u Dirtay Taiwan

0
63

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qormadeena koowaad, wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo shaqaale ka tirsan wasaaradda u dirtay dalka Taiwan, kuwaasi oo u tagay aqoon korodhsi iyo tababar la xidhiidh dhinaca caafimaadka.

 

Qormadeena koowaad waxa ayn u diirada ku saari doonaa xidhiidhka dhinaca caafimaadka ee dalalka Somaliland iyo Taiwan iyo siyaabaha ay isaga kaashadaan kor-u-qaadista Tayada caafimaad ee dalka.

 

Sidoo kale waxa aynu qormadan ku eegi doonaa tababarka ay ku tageen dalka Taiwan shaqaalah ka tirsan wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo waxyaabaha ay kasoo faa;iidaysanayaan dalkaasi.

 

Haddaba wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaysa qorshe siyaasadeeda ah kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Caafimaadka ayaa dalka Taiwan u dirtay laba masuul oo ka tirsan wasaaradda horumarinta Caafimaadka JSL.

 

Tababarkan oo socon doona muddo laba todobaad ah ayaa waxaa ka qayb galaya 30 wadan oo ka kala socda Afrika, Asia iyo Latin America, tabarkan ayaa ku saabsan sidii farsamada casriga ah ee caqliga macmalka ah (Artificial Intelligence) loogu Isticmaali lahaa aadeegyada Caafimaadka ( Workshop on AI in Smart Health).

 

Labada masuul ayaa kala ah Cadnaan Cabdi Xasan, oo ka tirsan Xafiiska Arimaha Bulshada iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Sayid Maxamed Muxumed oo ah dhaqtar ka tirsan Cisbitaalka Wayn ee Hargeisa.

 

Taiwan ayaa mashaariic Badan oo horumarineed ka wada Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo si gaar ah wada shaqayn dhaw ula leh Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, taasi oo ay ka wada shaqeeyaan arrimaha caafimaadka iyo kor-u-qaadista heer tayeedka caafimaad ee dalka.

 

Maaha markii u horaysay ee masuuliyiin ka socda Somaliland ay tagaan dalka Taiwan balse waa xidhiidh joogta ah oo ay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Somaliland gaar ahaan bahda wasaaradda caafimaadku ay ku tagaan dalkaasi aqoon kordhsi iyo biirsashada waayo’aragnimada dhinaca caafimaadka.