Masuuliyiinta KULMIYE oo la Kulmay Madaxdhaqameedka Mid ka mid ah Beelaha Somaliland

0
91

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay wehelinayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo masuuliyiin xisbiga ka tirsan oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Garabka Haweenka heer Qaran Marwo Sahra Saleebaan Cawad iyo siyaasiga Axmed Nuur Faahiye, ayaa kulan ballaadhan magaalada Hargeysa kula yeeshay xalay odayaasha iyo waxgaradka mid ka mid ah beelaha dega gobollada Saraar, Togdheer iyo Saaxil.

Madaxdhaqameed, odayaal iyo waxgarad uu hoggaaminayey Suldaanka guud ee beeshu Suldaan Cabdiraxmaan Qodax oo uu wehelinayey Maayar ku-xigeenka degmada Caynaba Md. Cabdixaafid Ibraahim Abokor (Libaax-salaax), ayaa kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta xisbiga iyo Xukuumadda waxa lagaga wadahadlay taageerada beesha ee xisbiga KULMIYE, iyadoo madaxdhaqameedka iyo odayaashu ballanqaaday inay si buuxda u garab-taagan yihiin xisbiga KULMIYE oo ay awalba ka mid ahaayeen ilaa aasaaskiisii.

Gebogabadii, madaxda xisbiga KULMIYE iyo Wasiirku waxay uga mahadnaaqeen odayaasha taageerada ay u hayaan xisbiga iyo kaalinta muhiimka ah ee ay beeshu kaga jirto difaaca Qaranimada Somalilnad