Taliska Booliska oo Faahfaahin ka bixiyay Xadhiga Eedaysane Cismaan Cumar Dool

0
73

Hargeysa (Dawan) Taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay xadhiga eedaysane Cismaan Cumar Dool oo Magaalada Hargeysa lagu xidhay.

Hoggaanka hawlgalinta Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji, ayaa sheegay in sababta loo xidhey eedaysane Cismaan Cumar Dool, ay tahay danbiyo isdaba-jooga oo uu kaga soo horjeedo Qarannimada Somaliland, oo uu galay dhawrkii sanadood ee u danbeeyay, waxaanu intaas ku daray in uu caado ka dhigtay isla markaana uu ku faafin jiray Telefishanada iyo baraha bulshadu ku xidhiidiho.

Sidoo kale hoggaanka hawlgelintu waxa uu xusay in uu bulshada Somaliland, uu ku dhiirigelinayey inay ka hor yimaadaan shuruucda iyo kala danbeynta, waxa uu intaas ku daray in markii uu dalka imanayay uu baraha bulshada ku faafiyay muuqaalo uu bulshada kaga dalbanayo inay dagaalamaan haddii isaga la xidho, waxa uu hooska xariiqay in dadweyne badani ay kacdoon ka sameeyeen garoonka hortiisa, isla markaana wixii uu sameynayay ay ka shidaal qaateen.

Geesta kale waxa uu caddeeyay in eedaysane Cismaan Cumar Dool, saaka la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex iyo xeer ilaalinta, isla markaana ay dacwadiisa bilowgeedii dhageysteen gal-dacwadeedna loo furay, waxaanu hoosta ka xariiqay  in uu ku eedaysan yahay dhawr qodob oo ka mid ah xeerka ciqaabta guud.

Dhanka kale  waxa uu tilmaamay in boolisku horkeeni doono cadeymaha danbiyadii uu faafinayay dhawrkii sano ee u danbeeyay haddii ay yihiin Qoraal, Maqal iyo muuqaalba, waxaanu farta ku fiiray in Qarannimada Somaliland, madaxdeeda iyo bulshadaba uu ku bahdilayay.

Hoggaanka hawlgalinta Ciidanka Booliska JSL, waxa uu faray dadka ka hadlaya xadhiga Cismaan Cumar Dool, ka hor  inta aanay hadlin inay booliska u tagaan si eedaha loo hayo loola wadaago, waxaanu cararbka ku adkeeyay in ay xaq u leeyihiin haddii ay ku qanci waayaan eedaha loo haysto ay marka hadlaan.

Gaba-gabadii waxa uu soojeediyay in cidkasta oo u doodaysa eedaysane Cismaan Cumar Dool, ay wax weydiiyaan booliska, maxkamadda iyo xeer ilaalinta.