Cisbitaalka Hargaysa oo Balaadhin iyo Casriyay Ku Sameeyay Waaxda Kaydka Dhiiga

0
32

Hargaysa (Dawan) Cisbitaalka guud ee magaalada Hargaysa ayaa ballaadhin iyo casriyayn ku sameeyay waaxda dhiigga ee Cibistaalka, taas oo kaalin muhiim ah ugu jirta bulshada iyo cisbitaalkaba.

 

Waaxda dhiigga ee Cisbitaalka guud ee Hargaysa ayaa ah goob u shaqaysa dadka ay dhiig yaridu soo food saarto, halkaasi oo uu qofka bukaanka ahi ka heli karo dhiig wakhtigaasi uu aadka ugu baahan yahay lagu shubo, waana goobta kaliya ee lagu kala saaro dhiigaga sida Xinjirowga, unugyada cascas iyo borotiinada.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Cisbitaalka guud ee Hargaysa ayaa lagu faahfaahiyay waaxda dhiiga oo balaadhin iyo casriyayn lagu sameeyay waxaanu u dhignaa sida tan:-

 

“Waxaanu Balaadhin iyo Dib u casriyeyn ku samaynay Waaxda Kaydka Dhiiga ee Hargeisa Group Hospital.

Waaxda Kaydka dhiiga (Blood Bank) waa kaydka dalka ugu wayn Kaas oo u adeega bulshada ku dhaqan caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeeda.

 

Waa goob loogu adeego bukaanada dhiig yaridu soo foodsaarto iyo Kuwa u baahan in dhiig lagu shubo ama laga shubo.

 

Waana kaydka kaliya ee lagu kalasaaro dhiigaga sida xinjirowga ,unuguyada cascas iyo borotiinada”.

 

Mudooyinkii u danbeeyay Cisbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa ayaa waxa ka socota dib u habayn iyo casriyayn lagu samaynayo dhammaan waaxyaha uu ka kooban yahay Cisbitaalku, waxaana lagu soo kordhiyay agab iyo qalab kala duwan oo bulshada loogu  adeegayo.