Dameer Baxsaday 5 Sanno ka hor oo la Helay Isaga oo ku Nool Nolol Fiican

0
34

Dameer xayawaan ah oo ka baxsaday dadkii lahaa shan sano ka hor California ayaa la helay “isaga oo ku nool noloshiisii ​​ugu fiicneyd” oo la socda xayn duurjoog ah.

Terrie iyo Dave Drewry, oo ku nool Auburn oo California ah, waxay rumaysan yihiin in xayawaanka ka muuqda muuqaal uu duubay qof tamashle ah horaantii Juun, uu yahay Dameerkoodii “Diesel”.

Lamaanahani waxay sheegeen in ay ku nafiseen inuu xayawaankoodii uu nabad qabo –waxaana ay go’aansadeen in Dameerkoodu uu si xor ah ula noolaado qoyskiisa cusub oo ah “koox Ugaadh duurjooga ah”  oo dalka Maraaykanka looga yaqaano Elk.

Diesel wuxuu baxsaday mar uu la socday Mr Drewry meel ku dhow Clear Lake, California sanadkii 2019.

Toddobaadyo ayaa la waday baadi doonkiisa laakiin waa la waayey, sawirkiisa oo ahaa markii ugu danbaysay ayaa ahaa raadraaca dhowr bilood lagu baadi doonayey balse lama sheegin warkiisa.

“Aakhirkii waanu ka quusanay,” ayay Mrs Drewry u sheegtay laanta wararka ee BBC, CBS. “Maanu helin wax raad ah ama calaamado isaga ku saabsan.”

Kadib muuqaalka ninka tamashlaha ah Max Fennell ee la duubay horraantii bishan, ayaa la arkay waxaana lagu tilmaamay dameerka mid “faraxsan oo caafimaad qaba”, wuxuuna filimkiisa soo dhigay baraha bulshada.

“Waxay ahayd cajiib, in aanu ugu danbayntii aragno isaga oo caafimaad qaba, faraxsan waxay noo ahayd nafis” ayey tidhi Mrs Drewey.  “Ugaadha uu la jooga waxay dhowr mayl u jireen halkii ugu danbaysay ee Diesel lagu waayay waana meel aan Dameero joogin”. Ayey raacisay.

“Laba makhluuq oo gebi ahaanba kala duwan, laakiin waxay barteenn inay is-fahmaan oo midba midka kale u noqdo qoys,” ayay tidhi Mrs Drewry.

Drewrys ayaa qaatay dameero cusub tan iyo markii ay waayeen, mana u qorsheynayaan inay qabtaan iyaga oo rajo ka qaba xayawaankoodii.

“In la qabto hadda waxay noqonaysaa wax aan macquul ahayn,” ayay tidhi Mrs Drewry. “Runtii hadda waxa uu ka mid noqday duurjoogta, wuxuu u joogaa halkaa inuu madax bannaanaado.”

Waxay sheegtay in Diesel uu jiro ilaa sideed sano, dameeruhuna ay noolaan karaan ilaa 40 sano.