KANSARKA SAMBABADA Ku Dhaca Astaamihiisa Iyo Dadka U Nugul

0
60

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan qormada labaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa inaynu wax badan ka tilmaamno Kansarka Sambabada ku dhaca, astaamihiisa iyo dadka u nugul ee loo baahan yahay inay ka digtoonaadaan ama ay iska ilaaliyaan intii tarartooda ah.

Qormadeena labaad inta aynu ku jirno waxa aynu ka boggana doonaa ama ka jawaabi doonaa su,aalaha kala ah maxaa sababa Kansarka Sambabada? Maxaa lagu garan karaa ama calaamadihiisu maxay yihiin? Maxaa dawo u ah Kansarka Sambabada ku dhaca iyo taloooyin guud oo aynu la wadaagayno bulshada.

Haddaba Kansarka sambabada (lung cancer) ayaa halis caafimaad oo mudnaanteeda leh. Sambabadu waa xubno muhiim u ah jirkeena, kuwaasoo shaqadoodu tahay kala badal gaasaska uu jidhkeenu isticmaalayo iyo kuwa uusan u baahnayn. Kansarku wuxuu saamayn balaaran ku yeeshaa haba kala badalka gaasaskan (oxygen and carbon dioxide exchange).

Kansarka ku dhaca sambabadu waxuu leeyahay qaybo kala duwan, kuwaaso ku kala duwan rajada waqtigu uu la noolaan karo bukaanku xanuunkan, qayb kamid ah kansarku waa mid aad u halis badan soona yareeya cimriga qofka halka qayb kale lala tacaali karo in mudo ah. Sidoo kale waxaa lagu kala saaraa hab ay adeegsadaan xirfadlayaasha caafimaadku kaasoo ka kooban 4 waji (4 Stages).

Xanuunkaan waxuu ku jiraa kuwa ugu halista badan caalamka waxuuna galaaftaa nolosha dadyow badan sanad walba. Wadamada horumaray waxay ku bixiyaan dhaqaale qiyaastii kabadan kan ay isticmaalaan guud ahaan qaar kamid ah wadamada soo koraya.

Maxaa sababa kansarka sambabada:

sigaarka ayaa la fahamsanyahay inuu yahay qodobka koowaad oo saamayn balaaran ku leh curashada xanuunkaan, iyadoo la tixgalinayo imisa xabo oo sigaar ah ayuu qofku isticmaalaa maalintii mudo kusiman 10sano iyo waxkabadan.

Qofka waqti badan cabayay sigaar waxuu uga jaanis badanyahay kan waqtiga yar cabayay xanuunkan. Sidoo kale tubaakada ayaa shay aan la difiri Karin iyaduna. Dadka aan sigaarka cabin ee marwalba ama badanaa ka agdhaw goobaha sigaarka lagu cabayo ayaa iyaguna leh jaanis ay ku heli karaan xanuunkaan (passive smokers).

Waxyaabaha chemical-ka ah sidoo kale waxaa laga qaadi karaa kansarkaan, dadka u nugulna waxaa kamid ah beeralayda, dadka ka shaqeeya warshadaha iyo dadka ka agdhaw meelaha qashinka lagu gubaba. Dadka ku nool wadamada horumay kuwaasoo hawadoodu wasakhaysantahay ayaa khatar caafimaad ugu jira iyaguna, sidoo kale xanuunada qaar sida kuwa loo yaqaan COPD (chronic obstructive pulmonary Diseases) ayaa sababa xanuunkaan wallow ay aad u yaryihiin. Waxaa sidoo kale lala xiriiriyaa dhaxalka.

Calaamadaha:

waxaa macquul ah inaysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya xanuunkan, lagana yaabaa in mudo ay qaadato soo ifbixidiisa ,waxaa dhacda in si lama filaan ah bukaanka looga helo iyadoo la adeegsanayo raajato (x-ray). Marka kansarku saameeyo qaybo badan oo kamid ah sambabada waxaa soo ifbaxa calaamado ay kamid yihiin xiiq, qufac, xaako uu dhiig la socdo, xabad xanuun.

Haduu kansarku saamayn ku yeeshay neerfayaasha mara sambabada waxaa laga yaabaa in bukaanko dareemo garba xanuun, sidoo kale haduu uu kusoo waxaa macquula in codku isbadalo, liqida cunada oo adkaata, iyo infekshino ku dhaca sambabada sida oofta (Pneumonia). Hadii aan waxlaga qaban intuusan fidin xanuunkaan waxaa imaanaysa inuu kufido qaybaha kala duwan ee jirka isagoo umaraya dhiiga iyo dheecaanka looyaqaan lymphska.

Daawada

Daawadiisu waxay ku xirantahay wajiga (stage) uu marayo, hadii wajiyada hore ee wax laga qaban karo uu marayo waxaa lagu daweyn karaa qaliin iyo daaweeyn labadaba. Hadiise uu dhaafay waji wax laga qaban karo uuna ku faafo jirka intiisa kale malahan rajo sii buuran oo lagula tacaali karo waxaana qofka loo sameeyaa baxnaanin.

Talo

Dadka halista ugu badan ku yeelan kara ayaa ah kuwo sigaarka caba, waxaana muhiim ah in la joojiyo cabida sigaarka lagana dheeraado meelaha lagu cabayo. Dadka ka shaqeeya beeraha iyo warshadaha waxaa muhiim ah inay xirtaan mask si aysan chemicals ugu gudbin una raacin hawada ay qaadanayaa.