Dawladda Hoose Hargeysa oo Shaqaalaheeda Digniin u Dirtay

0
44

Hargeysa (Dawan)- Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ugu baaqday dhamaan hawlwadeenadda ka shaqeeya inay ka digtoonaadaan ku dhexmilanka arrimaha siyaasada iyo doorashooyinka soo socda, isla markaana sheegay in shaqada laga saari doono qofkii dhexgala.

Qoraal ka soo baxay Xoghayaha fulinta DH Hargeysa Mr. Siciid Nuur Aw Jaamac, laguna socodsiiyey dhamaan hawlwadeenada DH ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixgelinayo nidaamka shaqada inay mamnuuc tahay ka qeybgalka shaqaalaha ee arrimaha siyaasada, maadama sharciga uu mamnuucay xeer no. 1/2014, qodobkiisa 23, farqadiisa D oo mamnuucaya in shaqaalaha DH hargeysa ay ka noqdaan xubin ama u ololeeyaan Xisbi ama urur siyaasadeed.

Xogayaha fulinta ayaa sheegay in mudooyinkii dambe soo baxeen hawlwadeeno DH Hargeysa oo xilal ka qabanaya ururada/ xisbiyada siyaasada, taasoo baalmarsan xeerka shaqada iyo shaqaalaha.

Qoraalkan ayaa lagu faray Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa xafiiska shaqaalaha inay ka saaraan liiska xubinimada shaqaalaha DH Hargeysa shaqsi kasta oo la cadeeyo inuu ka mid yahay xisbi, urur siyaasadeed ama ku dhexmilma arrimaha siyaasada, sida xeerku dhigayo.