maliland Waa Meel Xasiloon Dunida Dalalkeeda oo Dhami Ay Joogaan Iyaga oo Nabad ah” Wasiirka Ciyaaraha JSL

0
36

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cadirisaaq Muuse Faarax ayaa ka jawaabay hadalo uu sheegay in dadka qaar ay qorayaan, kaasi oo ku saabsan nabada iyo xasiloonida dalka, waxaanu ka jawaabay hadaladaasi isaga oo u xusay in Somaliland ay tahay meelaha nabada geeska iyo guud ahaan mandaqada loogu soo hirto.

 

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay in dawaladda Somaliland ay damaanad qaaday amniga iyo nabadgelyadda bulshadeeda, isaga aoo intaasi ku daray in bulshada dunida inteeda kale ay u shaqo yimaadaan Somaliland, iyaga oo si nabad ah uga shaqeeya dalka, amnga iyo nabad ahaashiyahoodana ay dawladu masuul ka tahay.

 

Wasiirka ayaan intaasi ku daray in dalalka ka soo qayb galay tartanka orodka ee loo yaqaano “half Marathon” ee ka qabsoomay Hargaysa in aanay Muqdisho ku dhiiradeen inay tagaan, balse ay halkan ugu soo dhiiradeen markii ay arkeen kala danbaynta iyo shuruucda ka jirta wadanka.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay hadalada masuuliyiinta Soomaaliya ee sheegashada maamulida Somaliland oo u uku tilmaamay inuu yahay mid been ah, waxaanu tilmaamay in aanay Soomaaliya iyadu is maamuli laaha’ay cid ay maamusho iska daaye, sidoo kale waxa uu tusaale u soo qaatay in miisaaniyadeeda loo qaadhaamo si ay hawlahood ugu dabaraan, balse Somaliland ay iyadu isku filan tahay oo aanay cidi u qaadhaamin waxaanu yidhi

 

“Somaliland waa meel xasiloon, dunida dalalkeeda oo dhan iyaga oo nabad ah ay joogaan, dadyow cadaan iyo madaw lehi ay ka soo shaqo tageen dalalkoodii isla markaana ay Somaliland ku nool yihiin.

 

Damaanadaa waxa qaaday dawladda Somaliland, iskama ay qaadeen Xamarna ma qaadi karto’e waxa ay ku qaaday waa nidaamka iyo kala danbaynta iyo nabada iyo Hay’adaa dawlagi ah ee dhismay, kuwaasi ayaa dadka kala hagaya, sharciga sareeya ayaa dadka kala hagaya taasi ayaa keentay in Ictiraafku si dabiici ah ku yimaada.”