Niger oo ruqsaddii macdanta Yuraaniyamta kala noqotay Faransiiska

0
42

Dowladda militariga Niger ayaa kala noqotay sharcigii soo saarida shidaalka ee Faransiiska isaga oo halkaa ka ahaa mid ka mid ah soo saaraha macdanta Yuraaniyaamta ugu weyn caalamka, sida ay sheegtay shirkaddu.

Shirkada Orano ayaa fasax u haysatay soo saarida macdanta Imouraren ee muhiimka u ah soo saarista tamarta nukliyeerka, taas oo ku jirta dhul qiyaastii ku fadhiya 200,000 oo waqooyiga Niger ah.

Ka dib sanado dib dhac u ah oo wax soo saarka, dalka Galbeedka Afrika waxa uu ka digayaa in shatiga Orano uu meesha ka baxi doono haddii aan shaqada goobta dib looga bilaabin.

11kii June, qiyaastii toddobaad ka hor ayaa ahaa wakhtiga kama dambaysta ah, Orano wuxuu ku dhawaaqay in shaqadu bilaabatay.

Laakin Khamiistii Orano waxa uu sheegay in ogolaanshihii la gala noqday – tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyada oo ay jirto xiisad u dhexeysa Faransiiska iyo milateriga Niger.

Tan iyo markii militariga Niger ay xukunka la wareegeen afgambigii sanadkii hore, waxa ay yareysay xidhiidhkii ay la laheyd Faransiiska, waxayna xidhiidh dhow la sameyneysay Ruushka.

Xidhiidhka kala dhexeeya Faransiiska ayaa hoos u dhacay bishii December ka dib markii ciidamada milatariga ay eryeen ciidamada Faransiiska ee la geeyay gobolka si ay ula dagaalamaan islaamiyiinta .

Dowladda militariga ayaa sidoo kale wacad ku martay in ay dib u eegis ku sameyn doonto heshiisyada macdanta shisheeye ee dalka ka dib markii ay xukunka la wareegtay.

“Orano waxay qabtaa in go’aankan loogala noqday ogolaanshaha macdanta uu saameyn xun ku yeelan doono horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee gobolka,” ayay shirkaddu ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Waxay ilaalinaysaa xaqa ay u leedahay in ay qaado tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah ka kala noqoshada “waxa ay wali diyaar u tahay in ay dhammaan dariiqyada isgaadhsiinta ay u furan yihiin mas’uuliyiinta Niger ee arrintan ku shaqada leh”, Orano ayaa raaciyay.

Dowladda Niger oo ka mid ah kuwa ugu badan ee soo saara uranium-ka adduunka ayaan ka hadlin hadalka Orano.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay hore uga digtay in ay laali doonto shatiga Orano haddii aanay shaqada horumarintu ka bilaaban Imouraren bisha June 19keeda.

Macdanta ayaa loogu talagalay in ay ka bilaabato halkaas 2015 laakiin wax soo saarka ayaa istaagay ka dib markii uu burburay qiimaha Yuraaniyamka adduunka wixii ka dambeeyay musiibadii Nukliyeerka ee Japan 2011.

Shirkaddan Faransiisku waxay joogtay Niger in ka badan 50 sano. Macdanta uranium-ka ee Akokan ayaa xidhnaa tan iyo 2021 laakiin Orano ayaa mid kale ka maamula gobolka waqooyiga ee Arlit.