Mawjado Taageerayaal ah oo Boorama kusoo Dhaweeyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo wefti uu Hoggaaminayo

0
59

Boorama (Dawan) Kumannaan iyo kumanaan katirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal, ayaa isu soo baxyo ballaadhan kusoo dhaweeyey wefti uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo safar shaqo halkaas ku gaadhay.

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo ku lebbisan astaamaha xisbiga, caleemo qoyanna lulaya, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kusoo wareejiyey shaaricyada waaweyn ee magaalada, iyada oo xubnaha weftigu ay dadweynaha kala hadleen afaafka hore ee xarunta xisbigu ku leeyahay magaalada Boorama.

Guddoomiyaha gobolka Awdal, Mudane  Xasan Daahir Xaddi oo la hadlay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee weftiga sida xamaasadda leh u soo dhaweeyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay, waxana uu sheegay in dadweynaha ku dhaqan guud ahaan gobolka Awdal ay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaas ka hadlay, ayaa dadweynaha sida mugga leh usoo dhaweeyey uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo taageerada ay u muujiyeen, waxana uu sheegay in taageeradani tahay mid ay xisbi ahaan horeba u ogaayeen, islamarkaana ay xukuumad ahaan hanteen quluubta bulshada reer Awdal, maaddaama xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE wax badan ka qabatay gobolka.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhankiisa si ballaadhan ugu mahadnaqay taageerayaasha reer KULMIYE ee sida diirran usoo dhaweeyey weftiga uu gadh-wadeenka u yahay, waxana uu si cad u sheegay inay tartanka soo socda si buuxda ugu xisaabtamayaan codka iyo cududda bulshada ku dhaqan gobolka Awdal.