Soomaaliya waxa ay inoo Daba Socotaa waxay Doonayaan inay Dalkeenna isku Qurxiyaan”Wasiir Siciid

0
52

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda xanaannada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa bulshada reer Somaliland yar iyo weynba faray in lagu faro adeygo xornimada oo aan mar danbe la isdhiibin.
Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya waxa ay u daba socoto Somaliland ay tahay in inay dalkeena isku qurxiyaan.

Geesta kale waxa uu xusay in Somaliland ay qayb weyn ka qaadatay xornimada umada Soomaaliyeed meelkasta hajoogte ay ku nooshahay, waxaanu caddeeyay in cid Somaliland ka Soomaalisani aanay jirin.

Waxaanu yidhi.“Cidka Soomaalisan Somaliland majirto, sababto ah wixii halgan loo galay Soomaalinimo iyo wixii dhib loo maray ama Calankii Ingiriiska laga keenayay ha noqoto ama kii Talyaaniga ee Koonfur laga kicinayay ha noqoto ama NFD iyo dagaalankeedii hanoqoto ama Kilalka Soomaali Galbeed iyo dagaaladeedii ha noqoto, ama Jabuutida imika wax laga sheeg sheegayo xoreynteedi ha noqote caadifada imika ina haysa ee teeni aynu ku doonayno mid ka sii daran, ayaynu u qabnay inay Soomaali xorowdo.

Marka innaga oo aan waxba xeerin, oo aan waxba kala qoran ayaynu si fiican isu diidnay, tiina waxa ay ina gayeysiisay inay 64 sano kadib wali calaacalayno, dekedaha Boosaaso iyo Xamar ta Berberi mageydo, shucuubta reer Somaliland magayaan waxa ay Shucuubta Soomaaliyeed geydo, waxay innoogu dhagan yihiin waa inay innaga isku keen qurxiyaan, oo dalkeena iyo dadkeena iyagu isku qurxiyaan innaguna aynu ahaano dabo iyaguna kur ahaadaan, taasina waynu diidnay.

Marka waxaan bulshada Somaliland yar iyo weynba u soojeedinaya in lagu adkaado xornimada oo aan mar danbe la isdhiibin”