Wasiirka Isgaadhsiinta oo Shirguddoomiyay kulan lagaga hadlayay keenista xadhkaha Isgaadhsinta ee Badda

0
54

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Axmed Yuusuf Idiris  ayaa shirguddoomiyay kulan  lagaga hadlayay keenista dalka  xadhkaha kaybalka ee badda iyo isku xidhka  shirkadaha isgaadhsiinta.

Kulankan  lagaga hadlayay sidii looga wada shaqaynlahaa keenista dalka ee xadhkaha kaybalka ee badda (Submarine Fiber Optic Cable) iyo isku xidhka  shirkadaha isgaadhsiinta iyo laamaha dawladda oo  ka qabsoomay xarunta Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Axmed Yusuf Idiris
Wasiirka Wasaarada deegaanka  iyo  Cimilada Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo  Tignoolajiyadda  Yuusuf Warsame Xasan IYO  Saraakiil ka tirsan  Ciidanka Xeebaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka  iyo xubno ka socday Shirkadaha Isgaadhsiinta.

Waxaana kulankan lagu falanqeeyay  sidii loo horumarin lahaa loogana wada shaqayn lahaa xadhkaha kaybalka ee dalka,iyada oo ay Wasaaradduna kala shaqayndoonto isku xidhka  shirkadaha isgaadhsiinta iyo laamaha dawladda.waxaana uu ku soo dhamaaday
is afgarad,taas oo la  isla,qaatay in la sameeyo guddi farsamo.