“Xisbiga Waddani ilaa iyo imika lagama hayo inuu yidhaahdo Doorashadii Dalka ka Dhacday Sannadkii 2017-kii waa la iga helay.” Wasiir Kaahin

0
56

Boorama (Dawan): Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa guud ahaanba bulshadda reer Somaliland ugu baaqay in ay si weyn u ilaashadaan nabad gelyadooda wax kastoo dhaawacayana ay meel uga soo wada jeestaan.

Waxaanu wasiirku sheegay in umad kastoo adduunka ku nool ama qaran kastoo jira in waxa ugu muhiimsan ee uu ilaashadaa ay tahay nabad gelyadiisa, wada jirka ummada iyo sidii ay si amaan ah u wada noolaan lahaayeen.

Wasiir Maxamed Kaahin, oo hadal ka jeediyay degmadda Dilla ee gobolka Awdal oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay wefti ka socday xisbiga Kulmiye oo safar ku maraya gobolka Awdal, ayaa bulshadda gobolka Awdal gaar ahaana kuwa degmadda Dill, ku booriyay in mar kastoo ay nabad geliyadoodda adkeeyaan in mashaariicda horumarku ay u sii kordhayaan.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa waajib inagu ah, oo lagama maar maan ah bulsho kasta ama qaran kasta oo meel ku nool waxa qudha ee uu addeegsadaa waa nabad gelyadda. Nabad gelyadu na waxay dhashaa waa dawladnimo, dawladnimaduna waxay dhashaa waa horumar. Intaas ayaynu u baahan nahay in aynu adkayno.

Dhamaanba waxa horumar ah ee gobolkan Awdal, iyo degmadan Dilla ka socdaa waa nabad geliyadda. Waxaynu ku midaysan nahay in aynu qaran mid ah nahay, waxaynu ku kala duwan nahay in ay dareen kala jaad ah, iyo damac kala jaad ah leenahay.

Laakiin, xisbiga Kulmiye xukuumadda ka dhisan, damaciisu noqon maayo mid uu dalka ku dumiyo. Si babad geliyo ah ayaanu dadka cod u waydiisanayaa, doorashadda la geliyana hal nin ayuun buu madaxweynuhu noqonayaa, balse labaatan nin oo madaxweyneyaal ahi soo bixi maayaan”.

Geesta kale Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu ka hadlay doorashadda madaxtooyadda ee la qorsheeyay in ay dabayaaqadda sanadkan dalka ka qabsoonto, waxaanu tilmaamay in ay ka xisbi ahaan haddii doorashadaasi lagaga guulaysto ay aqbalayaan natiijadeedda.

Isagoona xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku dhaliilay in aanu xataa qirsanayn in doorashadii sanadkii 2017-kii si cad loogaga guulaystay, balse ay madaxdiisu ku doodaan in ay u tanaasuleen danta dadka iyo dalka, taasoo uu sheegay in aanay wax ba ka jirin.

“Xisbiga Waddani ilaa iyo imika lagama hayo inuu yidhaahdo doorashadii dalka ka dhacday sanadkii 2017-kii waa la iga helay. Balse wuxuu leeyahay dalka ayaan u tanaasulay. Dal uu Waddani u tanaasulay ma jirto, ee doorashadda waa laga helay.

Waxaan maanta shacabka hortiisa ka cadaynayaa Kulmiye ahddii doorashadda soo socota laga helo banaanka ayuu ka marayaa. Laakiin, cid uu marti uga yahay jiri mayso in la soo baryo oo odayaal guurti ah loo diro, si loogu soo qanciyo inuu natiijadda aqbalo.

Haddii doorashadda la naga helo odayaal, iyo cuqaal la noo soo diri maayo, balse natiijadda waanu aqbalaynaa. Xeerka doorashooyinka, ayaa dalka lagu maamulayaa” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.