Xukuumadda Somaliland oo soo Bandhigtay Caddaymo ku saabsan Jabhada Jabuuti ka Hadashay

0
67

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay caddaymo ay sheegtay in ay muujinayaan jiritaanka jabhad ka dhan ah jiritaanka JSL, oo ku sugan dalka Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliand ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan  ayaa  sheegay in tan iyo markii uu dhacay isfahankii Itoobiya iyo Somaliland  in tobanaan jeer ay Jabuuti kasoo yeedheen hadalo ka dhan ah Somaliland, balse aanay Somaliland ka jawaabin oo ay ixtiraamaysay walaaltinimada.

Kadib markii ay dowladda Jabuuti gabi ahaanba beenisay jiritaanka dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland oo dalkeeda ku sugan, wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa soo bandhigay caddaymo uu sheegay in ay muujinayaan jiritaanka jabhadaasi.

Waxaanu yidhi.”Hadalkan danbe ee Somaliland ka hadashay waxa uu ku soo baxay afar dhacdo oo Jabuuti ka dhacay, afartaana caddaynteedu halkan taallo, nimanka yidhi ‘Awdal ayaanu xoreynayna oo Jabhad ayaanu nahay,’ waxay sheegeen inay Awdal ka xoreynayaan ‘Daaquud,’ isla markaana dad abaabulayaan,   in bulshada reer Awdal kacdo, Jabuuti ayay ka hadlayeen taasina waa tii ugu weyneyd ee fagaare lagu soo bandhigo.

Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii waynaa 27 Juun laga xusayay, halkaana waxa fadhiisan kara uun qof lasoo martiqaaday, xaflalado waa wayn ayay qabanayaan iyaga oo abaabulaya in Somaliland iyo gobolka Awdal lagu kaco, khudbadahoodii oo dhana waanu haynaa, nimanka sida fudud uga jawaabay waxaan leeyahay ma waxaasi aan soo bandhigey oo dhanba beena”

Wasiirku waxa uu sheegay in tan iyo markii uu dhacay isfahankii Itoobiya in tobanaan jeer ay Jabuuti kasoo yeedheen hadalo ka dhan ah Somaliland, balse aanay Somaliland ka jawaabin oo ay ixtiraamaysay walaaltinimada.

Waxaanu yidhi.“Sidii Somalialnd iyo Itoobiya u kala saxeexdeen heshiiskii Isfahan dowladda Jabuuti ilaa toban jeer, ayay ka hadashay, waxa ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, wasiirka arrimaha dibedda, waxa ka hadlay wasiirka warfaafinta, wasiirka maaliyada, mar kaliyana JSL umay jawaabin, siyaabo kala duwana way uga hadleen oo dhab ahaantii ay ahayd inaanay sidaasi isugu hawlin dowladda Jabuuti, sababto ah dhulkayaga iyo badayada anaga ayaa u talina”

Waxa uu sheegay in aanay filayn in Jabuuti ay martigaliso dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland, marka labaadna ay la yaabeen in ay beeniso jiritaanka jabhada, oo uu sheegay in ay abaabul balaadhan ka wadaan Jabuuti isla markaana ay jeedinayaan qudbado isdaba joog ah oo ka dhan ah Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Wax Jabuuti innaga dhexeeya may hayn, heshiis hore ayaa jiray nabadgelyada xuduudaha ayaa lawada ilaalin jiray, danbiilayaasha ayaa la isu celin jiray, saxarka iyo sanqadha ayaa laga dhawri jiray wixii nabadgelyada xuduudaha waxyeelaya.

Haddii aanu idin nidhi arrintasi jawaab naga soo siiya in aad si fudud noo tidhaahdaan waabeen idinkamaanan filayn iyada oo waxaasi oo caddaymo ahi ay jiraan, waxaan idin leeyahay hadalkaasi hadal uga noqda, wixii nabadgelyadeena waxyeelaya inaynu meel uga soowada jeesano ayay dani ugu jirta labadeenaba.”

Waxa uu sheegay in si adag ay labada dhinacba u waardiyaynjireen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya shacabka Jabuuti iyo  shacabka Somaliland, isla markaana ay uga fadhiyaan Jabuuti in ay wax la taaban karo ka qabato cabashadooda.

Wasiirka warfaafintu waxa uu bulshada ku baraarujiyay in dekedda Somaliland wixii ka hoose dalalka saxaraha ay iyadu kaalinta koobaad gashay.

Waxaanu yidh. “Wixii saxaraha Afrika ka hooseeya dekedeena ayaa ugu horaysay, waana dadaalada aynu sameynay, dowladda Jabuuti wada dhalashadeeda iyo walaalnimadeedu way naga go’an tahay, waligeedna xumaani xagayaga kamay tagin, iyagana ka filimeyno, bulshada reer Jabuutina sidaasi ayaanu u naqaana,”

Wasiirku waxa uu caddeeyay in Somaliland Badeeda ku filan tahay maamulkeeda, waxa uu intaas raaciyay in Somaliland aanay ciidamo shisheeye waligeed ka hawlgalin ilaalinta nabadgelyadeeda, basle ciidankeedu uu ku filaaday.

Waxaanu yidhi. “Itoobiya waxa jira gobolka oo dhan ama dad badan oo abaabulaya colaadihiii Itoobiya iyo Soomaalida ka dhaxayn jiray, dhab ahaantii cidna dani uguma jirto, Somaliland xuduuda ay Itoobiya la leedahay ayaa ka dheer ka ay Soomaalida la leedahay, 33 sano ciidan shisheeyana ma iman, nabadgelyodarrona kama dhicin, dowlada Somaliland ciidamadeeda amniga ayaa xaslatay oo ku filaaday dhinaceeda ta Jabuutina la midbay ahayd, sidaasi darteed ganacsiga, nabadgelyada, wax waliba way iskaga keen xidhan yihiin, cid cid ku duulaysa iyo cid cid wax ka qaadaysaana majirto, markay noqoto heshiisna xeerarka caalamiga waanu naqaana, sida wax loo kala saxeexdana waanu naqaana, anaga cidi na khiyaameyn mayso oo badayada cidi noogu iman meyse kuwiina yaan la idinka khiyaameyn”