Gobolka Gabiley Gobolnimadeedu way hir Gelaysaa laakiin Cidda lugta Jiidaysa ee Diidan waynu Garanaynaa…” C/casiis Samaale

0
44

 

Khadar Cabdi Muuse

Gabiley (Dawan): Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye C/casiis Maxamed Samaale, ayaa ugu bushaareeyay bulshadda Gabiley in dhawaan lagu dhawaaqayo gobolnimada oo ay dhinaca xukuumadda ka soo dhamaatay.

Waxaanu digniin u diray Samaale, xubno uu sheegay in ay lugta hayaan oo ay diidan yihiin ansixinta gobolnimadda Gbiley, isagoona si gaara u xusay xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee diidan ama ka soo hor jeedda ansixinta gobolnimadda Gabiley.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, oo khudbad u jeedinayay boqolaal dadweyne ah oo isagu soo baxay fagaaraha magaaladda Gabiley, oo ay ku soo dhawaynayeen wefti balaadhan oo ka socday xisbiga Kulmiye oo maalmahanba socdaal shaqo ku marayay goboladda Galbeedka dalka, ayaa u mahad celiyay madaxdii, masuuliyiyiintii iyo dadweynihii soo  dhaweeyay.

C/casiis Maxamed Samaale, ayaa golaha Wakiiladda ugu baaqay in ay si niyad wanaag ah ku ansixiyaan arrinta gobolnimadda Gabiley ee hor taalla, taasoo uu tilmaamay in ay tahay mid xaq loogu leeyahay.

Waxaanu xusay in Gabiley ay xaq u leedahay in ay hesho gobolniamdeedda, isla markaana ay bulshadeedu si dhaw ula socdaan kooxaha diidan ansixinta gobolnimadda Gabiley.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Gobolka Gabiley, gobolnimadiisu way hir gelaysaa, xukuumadana way ka soo dhamaatay, cid kastaa ka soo shaqaysayna abaal bay ku leedahay. Laakiin, cidda lugta jiidaysa ee diidan waynu garanaynaa. Gobolka Gabiley meel bay ugu qoran tahay waxa ay xaqqa u leeyihiin meel bay ugu qoran tahay cida lugta haysa ee diidan way noo suntan tahay.

Haddii ay diidaan na sandulle ayuu ku ansixi doonaa gobolkani, indhahoodda oo shan ah ayuuna ansixi doonaa gobolkani, siyaasad ayaynu ku hir gelin doonaa”.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaynu se leenahay, wanaag ku hir geliya, xumaan inta aanay inaga gaadhin wanaag ku hirgeliya. Golaha Wakiiladda ee uu hor yaallo, ee kooramka buuxin waayay, ee ka baxsanaya, waxaanu leenahay xaq buu gobolkani u leeyahaye, xaqqa uu leeyahay fuliya. Taasi waa xaq uu gobolka Gabiley leeyahay oo la duud siyayo, oo aynaan aqbalaynin”.

Geesta kale C/casiis Samaale, ayaa bulshadda Gabiley ku booriyay in ay si adkeeyaan taageeradda xisbiga Kulmiye ay u hayaan, isla markaana marka la gaadho doorashadda madaxtooyadda in ay codkoodda siiyaan.

Waxaanu tilmaamay Samaale, in dhamaanba waxa horumar la taaban karo ee dalka ka muuqda uu hir geliyay xisbiga Kulmiye, “Waxa horumar dalka ka muuqda waxaa hir geliyay xisbiga Kulmiye. Waa ayo xisbiga kale ee waxa horumar dalka ka jira sheegan karayaa? Kulmiye ayaana xaq u leh inaad codkiina siisaan” ayuu yidhi C/casiis Maxamed Samaale.