Machadka Istaraajiyadda Australia oo Xukuumadooda ugu Baaqay inay Aqoonsato Somaliland

0
81

Hargeysa(Dawan)-Machadka istaraajiyadda iyo Siyaasadda ee Australia oo fadhigiisu yahay magaalada Kaanbeerra, ayaa ugu  baaqay dawladda dalkaasi inay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, si ay kor ugu qaaddo saamaynta siyaasadeed iyo midda Istaraatijiyadeed ee ay ku leedahay gobolka Indo-Pacifigga.

 

 

Qoraal uu machadkani soo dhigay barta uu ku leeyahay Internetka oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayuu ku sheegay in haddii Australia aqoonsato Somaliland ay door muhiim ah taasi ka qaadan doonto inay ganacsatada Australia ay Somaliland iyo guud ahaan geeska Afrika ka helaan fursado ganacsi iyo Kuwo maalgashi.

 

 

 

Warbixintan  ayaa intaa ku dartay in haddii Australia ku guul-darraysato inay aqoonsato Somaliland ay taasi sababi karto duruufo badan oo aan dan u ahayn Australia, siiba in dalal kale oo Australia aanay isku fiicanayni ictiraafi doonaan Somaliland.

 

Sooyaalka  Somaliland waa mid ku suntan xasillooni iyo nabadgelyo, taasoo ka duwan ammaan darrada ay caan ku noqotay Soomaaliya.

 

 

Hannaanka isku maamulka Dimuqraaddiyadda ee Somaliland ku dhaqmaysay 20kii sanno ee u dambeeyay, waxa uu Somaliland ka dhigay inay tusaale u noqoto dalal badan oo dunida ah, gaar ahaan Afrika.

 

 

Inkasta oo aan la aqoonsan, haddana Somaliland waxa ay xidhiidh dhow la samaystay dalalka Ingiriiska, Imaaraadka, Kenya, iyo Taiwan, iyada oo si adag uga hor timid Hindisaha Shiinuhu ku maalo dalalka Afrika ee ah maal gelin fara guudkood ah. Somaliland waxa aqoonsigeeda si firfircoon u soo bandhigay Congresska Maraykanka iyada oo hawlwadeenno sare oo ka tirsan guddida Congressku laba jeer yimaadeen Somaliland.

 

Sidoo kale, Maraykanku waxa uu Somaliland ku daray xeerka difaaca qaranka ee dalkaasi ee loo yaqaanno NDAA(National Defence Authorization Act), kaasoo dhigaya in Maraykanku kor u qaado wada shaqaynta uu Somaliland kala leeyahay geeska Afrika, qoorriga cadmeed iyo gobolka Indo-Pacifiga.

 

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa sidoo kale dhowr jeer oo kala duwan lagu soo qaaday aqoonsiga Somaliland iyada oo markii u danbaysay ahayd sannadkan 2024.

 

 

Sidaa daraaddeed, warbixintaas

waxa lagu sheegsy Australia waxa ay kaga horraysay dawlado badan sida Maraykanka marka ay timaaddo arrimaha aqoonsiga dalalka aayahooda ka tashaday sida Kosovo iyo East Timor, haddana waxa la joogaa wakhtigii ay Sidaasoo kale u aqoonsan lahayd Somaliland.