Madaxda Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ka Jawaabay Su’aallo laga Waydiiyey Falalkii ay Ardaydu ku Kacday

0
46

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa ka jawaabay tobanaan su’aallood oo laga waydiiyey sababihii keenay buuqii ka dhashay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka,kaasoo u soo gabagaboobay Ardayda fasallada 8aad ee dugsiga hoose dhexe iyo fasalka 4aad ee Dugsiga sare.

Guddoomiyaha ayaa kaga jawaabay weydiimaha ku saabsan Imtixaanka iyo dhacdooyinkii ku gedaamnaa intii uu socday  kulan xog-waraysi ah oo ay  la yeesheen Wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka, kaasoo ay weheliyeen Guddoomiye ku-xigeenka Xasan Muxumed Qalinle iyo saraakiil ka tirsan Xafiiskaasi.

Guddoomiyaha oo ugu horayn kulankaas ka jeediyey warbixin la xidhiidha habkii Imtixaanka loo qaaday, ayaa sheegay in sabababaha ugu waaweyn ee buuqa iyo fawdada ku kelifay Ardaydu ay ahayd  qishka Imtixaanka oo aad loo adkeeyey, isla markaana loo dejiyey qorshe leh diyaar-garow iyo habab kala duwan.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in Ardayda sanadka u fadhiistay Imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare ay ahaayeen Ardaydii aan Imtixaanka qaranka sida tooska ah u gelin markii ay ka soo gudbayeen fasalka 8aad sabab ka dhalatay saameyntii cudurkii COVID19, wakhtigaasi oo Ardaydaasi aan laga qaadin Imtixaan  waafaqsan nidaamka Imtixaanaadka Qaranka.

Labadaas qodob ee kala ah qaabka loolla dagaalamay qishka iyo waayo-aragnimo yaraanta Ardayda dusgiga sare ka baxayey oo waliba intaanay imtixaanka weyn u fadhiisan laga qaaday Imtixaanno tijaabo ah, ayuu ku sheegay sababaha keenay isku-dhacyadii Ardayda iyo Ilaaliyeyaasha Imtixaanka ee dalka ka dhacay todobaadyadii la soo dhaafay.

“Haddaynaan Qishka la dagaalamin Dalku wuu innaga dumayaa oo wax hoos u dhacaya tayada dadka innoo soo baxaya aqoontooda. Taasi waa sababta aanu mar walba ula dagaalano qishka Ardayda. Sidaas darteed sanadka waxaanu wax ka bedelnay habkii loo diyaari jiray Imtixaanka, isbedelkaas ayey ardayda qaar u qaateen in la doonayo in la rido, laakiinse waxaanu u sheegaynaa Ardayda iyo waalidiintaba in aan Imtixaanka lagu soo darin wax ka baxsan wixii Buugga Ardayga loogu dhigay” ayuu yidhi Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aad loo buunbuuniyey dhacdooyin kooban oo ka dhacay goobo kamida meelihii Imtixaanka lagu qaadayey, taasina ay keentay walaac iyo buuq saameeyey geedi-socodka imtixaanka, balse waxa uu caddeeyey in aanay arrimahaasi wax saameyn togan ah ku yeellan dhamaystirka qaadista Imtixaanka  “si fiican oo guul ah ayuu ku soo dhamaaday Imtixaanku dhamaan goobihii la geeyey.

Buuqii ay Ardaydu sameysay wax khasaare ah waxa innaga soo gaadhay Gabadh ay Xabbad cirka loo riday meel fog ugu tagtay oo geeriyootay, taana waan ka tacsiyadaynaynaa Qoyskii iyo qaraabadiiba, si fiican ayaanay uga wada xaaleen qoyskoodii iyo Ciidanka Bilaysku. Waxyaabaha kale waxay ahaayeen macalimiin ay Ardaydu gacan ka hadal u geysteen, macalimiintaasina way fiican yihiin”

Guddoomiyuhu markii warbixinta jeediyey, kaddib waxa halkaasi su’aallo kala duwan ku waydiiyey wariyeyaal ka kala socda afarta laamood ee Warbaahinta Qaranka oo kala Wargeysyada Dawan, Telefishanka Qaranka, Wakaallada Wararka SOLNA iyo Idaacada Radio Hargeysa.

Su’aallaha la waydiiyey Guddoomiyaha iyo Kooxda Xafiiskiisa ka socday waxa kamida ahaa inay Hay’addaha amaanku ku sameeyeen baadhitaan falalkii dhacay maalmihii Imtixaanku socday, waxaanu ku jawaabay “Haa waa lagu sameeyey, wax la qabtayna way jiraan, kuwo baadhistoodu socotaana way jiraan, Xafiiska Imtixaanaadkuna mar walba waxa uu wada shaqayn la leeyahay hay’addaha nabad-gelayda ee kala duwan”

 

Waxa kale oo guddoomiyaha la waydiiyey waxa laga yeellayo Ardayda sanadkan aan ka qaybgelin Imtixaanka, gaar ahaan deegaamo kamida Gobolka Sool, waxaanu arrintaasi isagoo ka hadalaya uu yidhi “Ardaydii Gobolka Sool wixii aan Imtixaanka gelin waa Ardaydayadii, qof waliba marka uu yimaado ayaa laga qaadayaa, hawshaas yar ee jirtaana way iska dhamaanaysaa inshalah, kama maarmi karaan Ardayda reer Laascaanood Imtixaanka Dalkooda si ay shahaado lagu kalsoon yahay u hellaan, Ardaydii hore u galay imtixaankuna mar kasta way noo yimaadaan oo way qaataan shahaadooyinkoodii”

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax waxa uu Waalidiinta iyo bahda waxbarashada Somaliland kula dardaarmay in si wadajir ah loogala shaqeeyo Xafiiska Imtixaanaadka soo saarida Arday sifo sax ah kaga gudubtay derejooyinka Imtixaannada shahaadiga ah, taasoo ah sida keliya ee ay waddanka ugu soo bixi karaan aqoonyahan la hubo waxbarashadooda iyo aqoontoodu.

Barmaamujka Xog-waranka ah ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga bixi doona qaybaha Warbaahinta Qaranka maalmaha soo socda.