Mar Kasta Qof Ka Hooseeya Ayaa Jira!

0
54

Nin faqiir ah oo xaas leh ayaa maalin ciid ah u soo baxay suuqa waxanu arkay dhamaan dadkii oo hilib wada iibsaday oo karsanaya farxada ciida awgeed!

Muu haysan lacag uu ku iibsado hilib waxanu ku soo noqday gurigiisii isagoo niyad jabsan markuu gurigii soo galay ayuu arkay xaaskiisii oo fuul u karisay, waxaana uu ahaa fuulkii galka lahaa, waxaana raashin ahaan u quuta dadka saboolka ah !

Ninkii saboolka ahaa iyo xaaskiisu waxay bilaabeen inay cunaan, markay fuulka galka kala dhex baxaan daaqaday galka ka tuurayeen!

Markii ay dhergeen ayuu ninkii faqiirka ahaa istaagay isagoo cadhaysan waxaanu yidhi โ€œDunida cadaalad daro ayaa ka jirta,ย  dadkii oo dhami hilibay cunayaan inaguna fuulโ€ Isagoo niyad jabsan ayuu debedda usoo baxay!

laakiin wuxu si lama filaan ah u arkay nin daaqada gurigiisa hoos fadhiya oo galkii fuulka ee tureen ciida ka masaxaya oo cunaya oo weliba leh ” Allah ayaa mahad leh igu arsaaqayย  anigoon xeelad iyo quwad midnalahayn โ€œ.ย  Markaasi ayuu ogaaday inay ku jiraan aan iyagu haysanba Fuulka. Allah-na u mahad naqay.u