Sidee Hay’adaha Madaxda LA Isagu Gudbayaa?

0
47

Markii uu booqday madaxeynihii Maraykanka ee hore Ronald  Reagon dalka Indonseya sanadkii 1986 , madaxweynaha Indoniseya Suharto ayaa siiyay hadyad dalkiisa qiimo ku leh oo ahayd lamaane   xayawaanka Maso lugaleyda ah.

Reagon ayaa isna hadyadi dhigay beerta xayawaanka ee qaranka kuna taalla magaalada Washington , taasi oo beerta daawshadeedii iyo booqashadeedii kor u qaaday. Afar sano ka dib sanadkii 1990 , madaweyihinii kale ee Maraykanka George W. Bush ayuu isla hadyadaasi siiyay. Dalka Indonseya ayaa xayawaanka Maso lugalayda looga yaqaan mid waddani oo qaranku leeyahay waxaana lagu tiriyaa iinuu ka mid yahay hadyadaha ugu qaalisan ee dalkaasi.  Madaxweynahii Maraykanka ee hore Obama ayaa isna sanadkii 2009 ra’iisawal wasaarihii Ingiriiska Brown u geeyay hadyado cajalado DVD oo ay ku jireen Filimo uu sheegay inaan hore Maraykanka meel ka baxsan lagu daawan.