Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa oo Kulan La Yeeshay Aqoonyahanka Somaliland ee Dalka UK

0
88

Qore: Boqore Axmed Cabdi

 

Bristol (Dawan) Agaasimaha Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa kulan la yeeshay bulshada iyo Aqoonyahanka reer Somaliland ee ku nool Bristol UK.

 

Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa warbixin dheer ka jeediyay Agasimaha Cisbitaalkaasi Dr. Cabdiraxman Maxamed Cismaan.

 

Warbixintaas oo ka koobnayd horumarka Cusbitaalka weyn ee Hargeysa laga sameeyay lixdii bilood ee u danbeeyay iyo sidii Dhakhaatiirta UK wax ku baratay ay Aqoontooda uga faa’iideyn lahaayeen dalkoodii Somaliland.

 

Intii kulkankani socday ayaa waxa aad loogu lafo guray sidii dhinac looga soo wada jeedsan lahaa in la kordhiyo Tayada iyo adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Cisbitaalka Hargaysa iyo sidii ay kaalontooda uga qaadan lahaayeen dadka reer Somaliland eek u nool dalka UK.

 

Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa ayaa sidoo kale bulshada ku nool magaalada Bristol faahfaahin ka siiyay sida hagar la,aanta ah ee ay ka Cisbitaal ahaan ugu adeegaan bulshada ku nool Hargaysa iyo nawaaxigeed.

 

Gebo’gabadii kulankan ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo in meel looga soo wada jeesto sidii loo tayayn lahaa adeega Caafimaad ee Cisbitaalka Haragysa iyo in ay ka qayb noqdaan bulshada Somaliland eek u nool UK arrimaha kor loogu qaadayo adeegyada caafimaad ee guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Cisbitaalka Hargaysa.