Dib-u-habayn Lagu Samayn doono Cisbitaalka Guud ee Boorama

0
76

Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu qormada koowaad ku soo qaadanaynaa maamulka gobolka Awdal iyo Isu’duwaha Caafimaadka oo kala wareegay Hay’adda World Vision iyo Amoud Foundation Koontaynar marmar ah oo loogu talogalay in dib u habayn iyo qurxin lagu sameeyo Cisbitaalka guud ee Boorama.

 

 

Haddaba Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ay weheliyaan Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Awdal iyo Agaasimaha cusbitaalka Borama ayaa maanta kala wareegay hay’addaha World Vision iyo Amoud Foundation Container marmar ah oo loogu talo-galay in uu ka qayb qaato dib u habaynta iyo qurxinta cusbitaalka guud ee Borama oo mudooyinkii u danbeeyay ay ka socden talaabooyin kor loogu qaadayo adeega cusbitaalka iyo bilicdiisaba.

 

Munaasibada kooban oo ka dhacday cusbitaalka guud ee Borama oo lagula wareegayo deeqdan ayaa waxaa goob-joog ahaa, masuuliyiin kala duwan oo ka tirasan maamulka Gobolka, qaar ka mid ah hay’addaha World Vision iyo Amoud Foundation iyo masuuliyiinta caafimaadka.

 

Masuuliyiinta ayaa u mahadceliyay cid kasta oo kasoo qaybqaadatay deeqdan si gaar ahna hay,addaha, World Vision iyo Amoud Foundation, iyagoo xusay muhiimada ay leedahay in si wada jir ah looga shaqeeyo Horumarinta goobaha caafimaadka si loo gaadho himilada ah, in goobkasta oo caafimaad noqoto mid bilic ahaan sareeya adeeg ahaana dhamaystiran guud ahaan Gobolka Awdal.