“Is-afgaradka Somaliland Wuxuu Yimid Markii ay Soomaaliya Diidday Inay Itoobiya la Hadasho” Abiy Ahmed

0
121

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo u quus-gooy Xasan Sheekh

 

 

 

Addis Ababa (Dawan)- Raysal-wasaaraha Dalka Ethiopia, Dr Abiy Ahmed, ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida dalkiisu u qabo inuu helo marin-badeed oo qayb laxaad leh ka qaata horumarka Dhaqaalaha iyo tirada sii kordhaysa ee shacabka Ethiopia.

Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo ka qayb-galay kal-fadhiga 36aad ee baarlamaanka dalka Ethiopia, ayaa arrintan ka hadlay kaddib markii xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen qodobbo khuseeya siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Waxa uu Raysal-wasaaruhu hoosta ka xariiqay in koboca dhaqaalaha Ethiopia aanu ka maarmi Karin marin-badeed ay helaan, si hadafkaas loo gaadhana ay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay ku baadi doonaan wada-hadal ku salaysan wax-is-dhaafsi iyo faa’ido labada dhinac ah.

Raysal-wasaaraha Ethiopia wuxuu ka hadlay sababtii uu ku yimi heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex-aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu Raysal-wasaaruhu sheegay in heshiiska Somaliland ku yimi kaddib markii Soomaaliya ku gacan-saydhay codsi Ethiopia damaceeda ugu gudbisay.

“Is-afgaradkii aanu la saxeexanay Somaliland waxa uu yimid markii ay Soomaaliya diidday inay Itoobiya la hadasho,” sidaas ayuu yidhi Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo xusay in Somaliland noqotay dalka kali ah ee ka soo jawaabay dalab ay rabitaankooda marin-badeed ay helaan ugu gudbiyeen waddamada Gobolka.

Ugu dambayn, waxa uu Raysal-wasaaruhu xusay inaanay diyaar u ahayn inay cid kale ku dhibaateeyaan damacooda marin-badeedka, waxaanu yidhi, isagoo intaas ku daray, “rabitaanka Itoobiya ee Badda ku aaddani waa mid macquula oo aan cidna wax u dhimaynin”.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Dr Abiy Ahmed ayaa u muuqda jawaab uu kaga fal-celinayo xiisadda dublomaasiyeed ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Ethiopia oo toddobaadkan ku kala kacay shir Dowladda Turkigu marti-galisay oo lagu dhex-dhexaadinayey labada waddan.