Masiibyinka Dulmiga Ayaa Sababa!

0
60

Imama Ibn Qayim Kitaabkii Saada – Almicaad  (4/332 ) waxa uu ku yidhi :”Mar kasta oo dadku dulmi iyo xadgudub la yimaadaan Allah (sw) waxa uu ku salidaa cayayaan iyo cuduro ku dhaca Midhahooda, raashinkooda, biyahooda, jidhkooda, waxaana sababa dulmiga iyo xaqdarada ay sameeyeen”.

Waxa Muslim weriyay in gabadh lagu magacaabi jiray Arwa Bintu Uways ay u tagtay Khaliifkii Marwan Binu Xakam, oo ahaa kii afraad ee Umawiyiinta iyadoo uga ashaktoonaysa in Siciid Binu Sayd uu dhulkeeda qayb ka mid ah uu xoog kaga qaatay.

Markii la uu weydiiyay Siciid Binu Sayd in dhulkaasi uu xoog ku qaatay waxa uu yidhi ” maya sideen ugu qaataa iyadoo aan, maqlay xadiiska Rasuulka (scw) uu ku yidhi :” Qofka taako in la mid ah oo dhul ah dulmi ku qaata, toddoba dhul ayaa maalinta qiyaame qoorta loogu duuba”.

Siciid Binu Sayd wuu u daayay gabadhii dhulka waana uu habaaray isagoo yidhi :”Allahayow hadday been sheegayso gabadhaasi arragga ka qaad, xabaasheedana ka dhig dhulkaasi”.

Xaqiiq ahaan gabadha Arwa way indho beeshay, iyadoo maalin dhulkeeda dhex socota ayay ku dhacday ceel ka qodnaa waana ay ku dhimatay.