Tartanka kubada cagta ee kooxaha 12 jirada oo ka furmay Garoonka Caalami staduim Hargeysa.

0
75

Hargeysa(Dawan):-Tartanka kubadda cagta ee kooxaha 12 jirrada ayaa shalay ka furmay Garoonka Caalamiga ah ee Hargeysa staduim

Tartanka kubadda cagta ayaa waxa iska kaashaday qabashadiisa Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Ururka Kobciye oo ay ku bahoobeen ururada ka shaqeeya horumarinta dhallinyarada, waxaana ka qayb qaadanaya 14 kooxood oo ka kala socda degmooyinka Caasimadda Hargeysa.

la taliyaha Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadar Jiilaal Jaamac oo hadal ka jeediyay furitaankii tartankan ayaa waxa uu sheegay in tartanka loo qabtay isdhexgalka iyo kobcinta dhalinyarada.Waxaana uu yidhi”Waxa aan ka daahfurnay Garoonka Caalami ee Magaalada Hargeysa tartanka ku cusub Somaliland oo markii ugu horaysay lagu qabtay dalka,waxaana soo qabanqaabiyay tartankan Ururka Kobciye oo ay ku bahoobeen ururada ka shaqeeya horumarinta dhalinyarada,aniga oo ku hadlaya afka Wasaarada kana oo ka wakiila Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirisaaq Muuse Faarax,waxa aan garabtaaganahay cid kasta oo horumarinaysa Ciyaaraha.waxaana aad ugu qushuucay Ciyaarta ay soo bandhigeen Dhalinyarada aadka u da yar,waxaana tartanka muhiim u yahay isdhex galka dhalinyarada,”.