Dawladda Hoose ee degmada Oodweyne ayaa bilowday Mashruuca iftiiminta Magaalada ee Solar System-ka

0
102

Qore Khadar M .Xaashi

Oodweyne (Dawan) Dawladda Hoose ee degmada Oodweyne ayaa si kor loogu qaado bilicda iyo iftiiminta magaaladaasi waxa ay daahfurtay mashruuc ay ku iftiimineyso jidadka halbowlaha ah ee dhexmara magaaladaasi.

Mashruucan waxa maalgelinaysa dowladda hoose ee degmada Oodweyne, waxaana fulinaysa shirkada waddaniga ah ee Dabshid Solar Company, ayaa ah mid ku shaqaysa tamarta qoraxda.

Duqa degmada Oodweyne Ibraahim Qasa Rooble, ayaa sheegay in Sollarta cadceeda ku shaqaysa ee ay ugu tallo galeen iftiiminta magaalada ay ka kooban tahay todobaatan xabo, isla markaana toban xabo oo ka mid ah la taagay, waxa uu xusay in inta hadhayna ay shirkada u xil saaran fulintoodu ay gacanta ku hayso.

Geesta kale waxa uu bulshada ka codsaday inay soo dhaweeyaan wixii horumar ah, wixii ka dhimana ay sheegay, waxaanu faray in wixii la qabto siwada jir ah loo ilaaliyo xil weyna la iska saaro.

Gaba-gabadii waxa uu xusay in mashruucan iftiiminta magaalada ujeedada laga leeyahay inay tahay in lagaga baxo mugdigii, dhibtii ay bulshadu la kulmayeen, waxaanu caddeeyay inay tahay shaqooyinkii loo igmaday ee bulshadu u dooratay, waxaanu carabka ku dhuftay inay jiraan adeegyo kala duwan oo ay hore ugu qabteen bulshada.