Muslimiinta Hindiya oo nafis ka helay dib u dhaca doorashada Modi

0
75

Muslimiinta Hindiya ayaa dareemaya ammaan badan oo ku aaddan mustaqbalkooda ka dib doorashadii qaran ee bishii hore ka dhacday oo uu Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ee BJP ku guuldareystay inuu si toos ah u helo aqlabiyadda baarlamaanka, taas oo ku qasabtay inay isbahaysi la sameeyaan xisbiyada kale.

Doorashada ka hor, warbaahinta qaranku waxay soo warinaysay walaac qoto dheer oo ay muslimiinta ka qabaan in xisbiga talada haya ee Hinduuga iyaga oo ka cabsi qabay in uu gaadho guul weyn, taas oo u sahlaysa inay soo rogaan siyaasado sii fogeynaya Muslimiinta laga tirada badan yahay.

“Laga soo bilaabo bilawgii Modi ee xilligiisii ​​​​ugu horreeyay 2014, Muslimiinta waxaa lagu bartilmaameedsaday heer aan hore loo arag oo bahdil ah, xuquuq la’aan, iyo arxandarro qaawan, oo ay gaysteen dowlad-goboleedyada iyo kuwa aan dawliga ahayn labadaba. Hogaamiyayaasha BJP waxa ay si cad ugu tilmaameen Muslimiinta in ay yihiin khaa’inul waddan.

Si kastaba ha noqotee, ka dib markii BJP ay ku guuldareysatay inay ku guuleysato aqlabiyadda doorashada guud ee hadda la soo gabagabeeyay, dad badan oo u kuur gala siyaasadda Hindiya waxay aaminsan yihiin in xisbiga waddani ee Hinduuga aanu awoodi doonin inuu bartilmaameedsado Muslimiinta siyaasadiisa iyo hadaladiisa si gardarro ah oo furan sidii hore. Muslimiinta dhexdooda ayaa filaya in tii ugu darnayd siyaasadaha Modi ay dhammaatay.

Tan iyo markii uu xukunka qabtay 2014-kii, Modi waxa uu kor u qaaday aragtida qaran ee Hinduuska uu ka soo jeedo ah taas oo in ka badan 204 milyan oo muslimiin ah ay ka cowdaan cadaadis iyo takoor ay kala kulmaan bulshada iyo dawladda.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, gobolo badan oo ay BJP ka taliso, kumanaan guri iyo dukaamo muslimiin ah ayaa waxaa dumiyay cagaf-cagaf kadib markii mulkiilayaashooda lagu eedeeyay inay galeen dambiyo fudud.

Hogaamiyayaasha bulshada Muslimiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa tilmaamay in maamulku uu bartilmaameedsaday dhismayaal muslimiintu leeyihiin oo kaliya, iyaga oo iska indha tiray dhismayaal sharci darro ah oo ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn. Dhowr khabiir oo dhanka sharciga ah, oo ay ku jiraan xaakinnadii hore, ayaa sharci darro ku tilmaamay waxa loogu yeedho “cadaalad bulldozer” ama colaada Cagaf-cagafta.

Boqollaal muslimiin ah ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ay dileen kooxaha xagjirka ah ee Hinduuga garabka midig ka dib markii lagu eedeeyay inay qaleen lo’. Muslimiintu waxay ka cawdeen in xubnaha kooxahan loo arko inay yihiin askar lug ah oo ka tirsan BJP oo ay dhif tahay inay la kulmaan ciqaab, gaar ahaan gobollada ay BJP maamusho.

In kasta oo kooxaha xuquuqdu ay ka cawdaan in Muslimiinta Hindiya ay mararka qaarkood la kulmaan takoor iyo nacayb sababo la xidhiidha caqiidadooda, Modi waxa uu dafiray in ay ka hoos jiraan dawladiisa.

Bishii Maarso, xukuumadda Modi waxay soo saartay sharci kala qaybsanaan ah oo jinsiyadeed kaas oo u oggolaanaya kuwa raacsan diimaha kala duwan – laakiin aan ahayn Islaamka – inay Hindiya ka soo galaan waddamada deriska ah si degdeg ah dhalashada Hindiya loo siiyo. Dadka dhaleeceeya iyo Muslimiinta ayaa sheegay in sharciga uu takoorayo Muslimiinta.

Intii lagu guda jiray ololihii doorashada ee dhawaan, Modi iyo asxaabtiisa xisbiga waxaa lagu eedeeyay hadalo naceyb ah iyo ka ganacsiga koobabka ka dhanka ah Muslimiinta. Modi waxa uu Muslimiinta ku tilmaamay kuwo dalka dool ku yimi Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay kuwo “carruur badan leh.”

Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah cabsidaas Muslimiinta ayaa hoos u dhacday doorashadii ka dib.