Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadal ka soo yeedhay Dawladda Muqdisho

0
99

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi, ayaa si weyn u daadifaysay hadallada iyo dacaayadaha aanay waxba ka jirin ee dawladda Xasan Sheekh ee Muqdisho ka baahiso Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibaddu waxa ay sidaas ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxayna ku sheegtay in sheegashada dawladda Muqdisho ee ah in shirkii Bishii December ee sannadkii hore ka qabsoomay dalka Jabuuti ee dhex maray Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday, taasi oo ah mid xaqiiqda ka fog oo been abuur ah.

Waxaanay Wasiir ku-xigeenku xaqiijisay in Shirkaasi ahaa mid laysku mari waayay qodobbadii laga wada hadlay, isla markaana heshiiska kaliya ee lagu gaadhay ahaa in la soo saaro war-murtiyeed laga soo saaray shirarkii hore, taasoo uu dalbaday madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirkaa mart-galinayay.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi waxa ay tilmaantay in ay wax lala yaabo tahay in 24 saacadood gudahood in Soomaaliya ku sifaysay in shirkaasi laga gaadhay wixii la rabay, iyada oo intaa ku dartay in ku celcelinta beentaasi aanay warkaa ka dhigayn mid xaqiiq ah.

Geesta kale, Marwo Rooda Jaamac Cilmi waxa ay xasuusisay dawladda Muqdisho inay dhammaadeen wakhtiyadii ay xeebaha iyo dekedaha Somaliland uga faa’iidaynsan jireen arrimo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale, isla markaana la joogo wakhtigii ay la noolaan lahaayeen Soomaaliya xaqiiqada ah in Somaliland si buuxda uga taliso dhulkeeda iyo xeebeheeda isla markaana go’aankooda iyadu leedahay.

Ugu danbayntii Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland waxa ay baaq u dirtay dadka faraha badan ee ka soo jeeda Soomaaliya ee ka soo horjeeda heshiiska is-fahan ee dhexmaray Somaliland Iyo Itoobiya oo ay sheegtay in aanay badankoodu waligood Somaliland cagaha soo dhigin, waxaanay u sheegtay in aanay wakhtigooda iyo hadalkooda iskaga luminin arrimaha gudaha Somaliland oo ay sheegtay in aanay jirin wax ay ka beddeli karaan, balse ay muujinayso uun cadaawadda qotoda dheer ee ay u hayaan dadka reer Somaliland.