Xamar Wax Inagaga Maqani Ma Jiraan, Wax ay Inoo Ogol Yihiinna ma Jiraan” Md Daahir Rayaale Kaahin

0
81

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in aanay jirin wax bulshada reer Somaliland kaga maqan Muqdisho iyo Soomaaliya, sidoo kale waxa uu xusay in aanay bulshada Somaliland wax ay u ogon yihiin aanay jirin markii hore ee la isku biiray iyo hadda labadaba.

Daahir Rayaale Kaahin ayaa munaasibad maamuus ah waxa u sameeyay Suldaan Cabdiwahaab Cige Xasan, waxaana munaasibada kala qayb galay mudan iyo marti Sharaf aad u badan oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland ahna murashaxa madaxwayne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye, wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Hadhimo sharafeedkan loo sameeyay madaxwaynihii sadexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu madaxwaynuhu kaga waramay doorkiisii shariifka ahaa ee taaba galinta Dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland oo uu bilawgood lahaa, sidoo kale waxa uu aad ula dardaarmay dhalinyaradda ku nool Awdalo o uu uga digay inay ruxaan dabaylaha wareegay ee qaar ka mid ah bulshada Awdal ay rabaan inay bulshada kiciyaan, waxaanu ku booriyay inay nabada ilaashadaa oo ay wax la qaybsadaan dalkooda Somaliland.

Daahir Rayaale Kaahin ayaa sidoo kale ku dheeraaday in bulshada reer Awdal ay kaalin muuqata ka jiraan dawladnimada Somaliland isla markaasina ay doorkooda ka qaataan hawlaha qaranka ee nooc kasta leh.

Daahir Rayaale Kaahin ayaa shegay in dawdka reer Somaliland aanay waxba u oolin Soomaaliya, waxaanu tilmaamay in Soomaaliya ay tahay meel dhibaatadu ay ku xididaysatay oo aan sodonka sano ee soo socda waxba laga qaban Karin, sidoo kale waxa uu xusay in aanay bulshada Somlailand waxba u ogolayn ilaa iyo tan iyo wakhtigii la isku biiray waxaanu yidhi

“Xamar, manta anuu waxaan qiyaasayaa sodonka sano ee soo socda doorasho kama dhacayso, meeshaasi waa meel aasantay oo waxa ku aasan iyo dhibaatadu intay hoos xididad u bixisay dawadeedu ay fog tahay, wax inagaga maqanina ma jirto, dalkana kheyraad miidhan weeye, waxaanay leeyihiin Somaliland baanu rabnaa balse wax ay inoo ogol yihiin ma jirto, lixdankii markii aynu u tagnay waxba inamay siin, manta hadaynu u tagnona wax ay inoo ogol yihiin ma jirto.”