Isbitaaladii Caafimaadka Iyo Gaajada!

0
70

Aqoontii gaabnayd ee cilmiga caafimaadka ee Yurub iyo Maraykanka ka jirtay ayaa horseeday qarnigii 19aad inay caan ka noqdaan goobo cilaajyo ah oo ay haystaan kooxo sheeganaya inay yihiin kuwa dadka ka dawaynaya xanuunada ku dhaca nooc kasta oo ay yihiin.

Cilaajyadaasi waxa ka mid ahaa xarun ay dalka Maraykanka ka furatay islaan lagu magacaabi jiray Barfield Hazzard. Waxba kamay aqoon cilmiga caafimaadka laakiin waxay ka faaโ€™iidaysatay ย sharcigii iyo nidaamkii aan adkayn ee kala dhantaala ee sebenkaasi ka jiray dalka Maraykanka.

 

Sababtaasi ayaa keentay inay iskeed ugu shaqaysato khurafaad ay aaminsanayd iyo aqoondaro caafimaad qaybta hore ee sanadkii 1900 ( Qarnigii 19aad).

 

Astaanta caafimaad ee halkudhigeeduna waxa uu ahaa : โ€œ Gaajada aya bogsiisa xanuunada โ€. Waxay cuntada u diidi jirtay bukaanada iyadoo u ogalayd oo keliya wax yar oo tamnaadho cas ah iyo maraq dhir lagu daray.ย ย  Xaqiiqdii waxay aaminsanayd in gaajadu ay jidhka ka baabiinayso dhamaan sunta ย ย ย ย xanuunada ku jira.

Waxay ahayd arrin laga xumaado in bukaano aad u badan oo ku qaylinayay in ay goojanayaan aanay u ogolaan raashin ilaa ay naftu kaga baxday qayladii oo ay u dhinteen gaajadii.

Sanadkii 1902 ayuu Bukaankii u horeeyay gaajo ugu dhintay xarunta, laakiin waxay ku guulaysatay inaan garsoorka iyo maxkamadaha loo gudbin, sababtuna waxa ay ahayd ย iyadoo loo aaminsanaa inay caafimaadkiisa ka shaqaynaysay.

Dadka aan aqoonta caafimaad lahayn waxa ay ku abuuraan bukaanka mushkulad ka sii weyn dhibta haysata

 

 

ย 

ย 

ย