Taliyaha Asluubta oo Hortegay Guddida Caddaalada, Shuruucda, iyo Xuququl Insaanka ee Golaha Wakiilada

0
72

Hargeysa (Dawan) Guddida Garsoorka Cadaalada, Shuruucda, iyo Xuququl Insaanka ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiiskooda ugu yeedhay Taliyaha Cidanka Asluubta JSL Sarreya guuto Axmed Cawaale iyo Saraakisha Ciidanka Asluubta Qaranka.

Kulanka oo uu guddoominayay guddoomiyaha Guddida Jamaal Cali Aadan (Jaah), waxa goobjoog ka ahaa inta badan xubnaha guddidaasi.

Guddida ayaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka dhageystay taliyaha, isla markaana uga mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen kulanka loogu yeedhay.

Geesta kale mudaneyaasha guddida hoosaadka  Garsoorka Cadaalada, Shuruucda, iyo Xuququl Insaanka ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyay taliyaha iyo saraakiishaba shaqada ay Qaranka masuulka uga yihiin, waxaaney mid mid uga jawaabeen su’aalahaas dhammaantood.

Gaba-gabadii guddida iyo taliyaha ciidanka asluubta ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo arrimaha Garsoorka Cadaalada, Shuruucda, iyo Xuququl Insaanka ee labada dhinacba uga masuulka yihiin Qaranka.