Baanka Dhexe ee JSL oo Bulshada uga Digay Lacagaha Dhibcaha ah (Crypto Currency)

0
118

Hargaysa (Dawan) Baanka dhexe ee Jamhuriyadda Somaliland ayaa digniin ka soo saaray isticmaalka lacagaha dhibcaha ah ee loo yaqaano”Crypto Currency” kuwaasi oo lagu lagu khiyaamaynayo dadka lacagaha dhigta ama maalgashada.
Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sheegay khatarta ay leedahay isticmaalka lacagahan oo mudooyinkii u danbeeyay lagu dhacayay bulshada kuwaasi oo ku waayay kumanaan dollar, waxaanu bulshada ugu baaqeen inay iska ilaaliyaan oo aanay lacagtooda ku waayin.
War saxaafadeed uu Baanka dhexe ka ka soo saaray khatarta isticmaalka lacagta dhibcaha oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa u dhignaa sida tan:-
War Saxaafadeed
“Baanka Dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta xasilloonida maaliyadeed iyo maaraynta suuqyada sarrifka iyo hannaanada lacagaha la isugu beddelo si waafaqsan Qoddobka 4d, farqaddiisa 4d, xarafkiisa “t”, Qodobka 8, farqaddiisa 2nd, Qodobkiisa 9d, farqaddiisa 2 iyo farqaddiisa 22, Qodobka 69, farqaddiisa “b” ee Xeerka Baanka Dhexe Xr Lr. 54/2012.
Haddaba, muddooyinkii ugu dambeeyey waxa uu Baanka Dhexe si dhow ula socday arrimo ku soo cusboonaaday hannaanka maaliyadeed ee dalka oo ah ka Ganacsiga Lacagaha Dhibcaha ah (Digital) ee loo yaqaan “Cryptocurrency” kuwaas oo looga shaqaysanayo si sharci darro ah gudaha Somaliland.
Baadhitaan dheer oo uu sameeyey Baanka Dhexe oo la xidhiidha hawshaas waxa uu soo ogaaday in hannaanadan (Apps) hoos ku xusan ay yihiin sharci darro ku salaysan hab khiyaamo ah (SCAM), baalmarsan yihiin-na habka toolmoon ee ka ganacsiga lacagaha dhibcaha ah (Digital currencies), aanay lahayna diiwaan sax ah, daahfurnaan la xidhiidha sida ay u shaqeeyaan ama faa’idada u samaynayaan iyo guud ahaan cidda iska leh.
1. 2139, 2. KUEX, 3. CBEX, 4. TRECART, 5. KFC, 6. ADIDAS, 7. CROPTY, 8. OKX, 9. MARAI
Sidaa darteed, waxa aanu uga digaynaa Bulshada Somaliland ku dhaqan in ay ka feejignaadaan hannaanadaa kor ku xusan iyo kuwa la midka ah oo aanay wax lacag ah ku shubanin maaddaama ay yihiin hannaano la isku dhacayo (Pyramid Schemes). Haddaba, Baanka Dhexe waxa uu caddaynayaa in cidkasta oo lacag lagaga dhaco hannaanadaas ay tahay cid lacagteeda ugu talogashay in ay cid kale lunsato.
Ugu dambayn, Baanka Dhexe ee JSL waxa uu halkan uga digayaa in cid kasta oo fududaynaysa ama ka shaqaynaysa hannaanadaas kor ku xusan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan”.