“Soomaaliya Waxa ay Qirtay Wixii Somaliland Caalamka u Sheegaysay Muddo Dheer

0
95

 

Hargeysa (Dawsn)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed,  ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ahna la taliyihii hore ee dhinaca amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya uu gudbinayey farriin uu ka siday Xukuumadda Soomaaliya oo  lagu muujinayey  xidhiidhka ay la leedahay   kooxda Alshabaab.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sidaas ku caddeeyay farriin uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu tilmaamay in waraysiga uu BBC-da siiyay Cabdi Siciid Muuse uu ka markhaati kacay cilaaqaadka ka dhexeeya xukuumadda Muqdisho iyo Kooxda Alshabaab oo in badan Xukuumadda Somaliland uga digtay xidhiidhkooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wuxuu xusay in Soomaaliya ku fashilantay inay dhicisayso heshiiska is-faham ee dhex maray JSL iyo Itoobiya, iyadoo taas beddelkeeda ku marmarsoonaysa inay cidhib tirayso Alshabaab, waxaanu ku dooday in la dagaalanka kooxdaas argagixiso ay ka go’an tahay oo kaliya ciidammada dalalka jaarka ah sida  Ethiopia, Kenya iyo Ciidanka nabad ilaalinta ee   ATMIS oo uu xusay in loo baahan yahay in lagu bogaadiyo dedaalkooda.