Wasiirka Diinta oo Haween Tiro Badan u soo Xidhay Tafsiirka Quraanka Kariimka ah

0
73

Boorama (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Magaalada Boorame kaga qayb galay munaasibad loo qabtay In ka badan lix boqol oo Haween ah ,oo bartay Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ay weheliyaan ,qaar ka mid ah culimada dalka ayaa magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal kaga qayb galay munaasibad loo qabtay in ka badan lix boqol oo haween ah kuwaas oo bartay Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah.

Ugu horeyn waxa munaasibadaas ka hadlay Marwo Maryama Muuse Xaaji Yuusuf oo iyadu tafsiirka Qur’aanka Kariimka Baraysay Haweenka , waxaanay Sharaxaad ka bixisay mudadii tafrsiirkaasi socday iyo marxaaxilkii ay u soo mareen guushan maanta midheheeda la Guranayo.

Sidoo kale Marwo Maryama oo ka mid ah haweenka Diinta bartay ee gobolka Awdal ayaa sheegtay in haweenkan bartay Tafsiirka Qur’aanka Kariinku ay u Samreen intii ay baranayeen, isla markaasina u dhabar adaygeen.

Intaa kadibna waxa hadalka iskaga kala dambeeyay qaar ka mid ah culimada dalka ,waayeel ,waxgarad ,isu’duwaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee gobolka Awdal iyo Marti sharaf kale oo lagu marti-qaaday Munaasibadaas , waxaanay dhamaantood ku dheraadeen muhiimada ay leedahay Barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo sida uu qofka barta uga duwan yahay Bulshada kale ee aan baran.

Sidoo kale waxa ay faahfaahin ka bixiyeen baahid wayn ee loo qabo in haweenka la baro Qur’aanka iyo Tafsiirkiisa, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay haweenku ku anfcayaan qoysaskooda iyo caruurtoodba.

Ugu dambayntiina waxa munaasibadaa soo xidhay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi , waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kasoo qayb galo Munaasibadan waxaanu yidhi

“Waxa aan maanta ku farax-sanahay in ay Qarankeena usoo bexeen intaaso hablo Culimo ah oo bartay Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ,waana Ilaahay Mahadii “ ayuu Yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL .

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dul istaagay muhiimada ay leedahay nabadda iyo Amnigu waxaanu tusaale u soo qaatay sida ay u qurux badan tahay munaasibada quruxdeeda iyo sida looga shaqeeyay in ay si qurux badan u dhacdo .

“Ka ummad ahaan inteena halkan Joogta ,iyo inta ina dhagaysanaysa intaba ,quruxda iyo qiimaha madashan maanta ka muuqda ee Kitaabkii Ilaahay lagu khatimay ,waxaa inoo suuro-geliyey Fadliga ilaahay oo nimcooyinkisa ay ka mid tahay Amniga ,jiritaanka ,dawladnimada iyo nidaamka aynu haysano ‘’ Ayuu hadalkiisa kusoo gebo-gabeeyay

Tan iyo intii wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland loo magcaabay wasiir Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi , waxa wasaaraddu si wayn u xoojisay xidhiidhka wasaaraddu la leedahay bulshada iyo in wasaaraddu qaadato doorarkeeda hogaaminta bulshada iyo dhiiri-gelinta iyo kor u qaadista Kitaabka ALLE iyo Sunnada ,waxaana doorarkaas ay wasaaraddu buuxisay ay kor u qaadeen in bulshadeenu noqdaan ,bulsho isu-kaashata khayrka iyo in ay bartaan oo kor u qaadaan Aqoontooda Diiniga ah.