Hargeysa oo Biyo La’aan Doonta Muddo Cayiman iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo Bulshada Farriin u Diray

0
80

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha wakaalada biyaha magaalada Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in la suuragalinayo in dhuumaha biyaha ka soo qaada degaanka Geed Deeble, lagu xidhi doono barkado waa weyn oo laga hirgeliyey shanka ka mid ah degmooyinka caasimada Hargeysa.

Sidoo kale Maareeye Daarood ayaa bulshada faray in maalmaha, Sabtida, Axada iyo Isniinta ee toddobaadka danbe uu hakad ku iman doono biyihii ay magaaladu heli jirtay, inta ay soconayso shaqadu.

Waxaanu yidhi.“Bulshada caasimada Hargeysa, waxa aanu ku wargelinayna in maalmaha, Sabtida, Axada iyo Isniinta ee toddobaadka soo socda, in wakaalada iyo shirkadaha kala shaqeeya biyo-gelinta caasimada Hargeysa, ee magaalada gudaheeda, ay qaban doonaan shaqo mihiima oo ah in la isku xidho nidaamka biyaha ee hadda shaqeeya iyo nidaamka cusub ee magaalada laga hirgeliyay, ahna barkadaha cusub oo tiradoodu dhan tahay 40 barkadood oo waa weyn iyo 166 Km oo beebabkii cusba ah oo shaqadaasi ay dhammaatay inteeda badan, bulshaduna ha ogaato in hakadka biyaha ku yimid aanu ahayn wax cilad ah”