Kulan Dhexmaray Wasiirka Caafimaadka iyo Dhakhaatiir ka Timid Dalka Hindiya

0
72

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay dhakhaatiir ka timid dalka Hindiya oo dadkeenu u tagaan xaalado caafimaad.

Kulankan oo uu Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda adeega Caafimaadka iyo Cusbitaalada Cabdiraxmaan Ibraahim Xasan ayaa ugu horayn Wasiirku waxa uu soo dhaweeyey imaatiga dhakhaatiirtan oo ah, dhakhatiirta Hindiya loogu tago kuwa ugu muhiimsan, wasiirku waxa uu cadeeyey in ay Somaliland tahay meel nabad ah oo u furan aduunka, isla markaana ay soo dhawaynayaan cidkasta oo muhiim u ah Caafimaadka dalka iyo dadka reer Somaliland

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay, marka bukaanku Hindiya taga in uu kaga bixi jiray kharash aad u badan, sidaas daraadeed haddii adeegii caafimaad ee Hindiya loo tagi jiray halkan laga helayo, in ay tahay wax la dhiirigeliyo.

Gaba-gabadii wasiika horumarinta caafimaadka Somaliland, Mudane Xasan Maxamed Cali, waxa uu kula dardaarmay Amal Grand Hospital in ay ilaaliyaan oo xoojiyaan badqabka bukaan isla markaana, aan qaali laga dhigin si ay uga faa’idaystaan dadka danyarta ah.