Khaddar Cabdi Muuse
Caynaba (Dawan): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda Somaliland ayaa seere-cawseedka Waylo-koriye, oo ka tirsan degmadda Wadaamo-goo, ee gobolka Saraar, ayaa shalay ka bilawday mashruuc biyo qabatin ah oo lagu yaraynayo nabaad-guurka.
Waxaana mashruucani looga gol leeyahay in lagu yareeyo nabaad-guurka, isla markaana in lagaga faa’iidaysto biyaha roobka, si looga hor tago ama wax looga qabto iyaha roobka ee sida xawliga ah dooxadaasi ku dhaafa.
Masharuucani oo ka kooban laba qaybood, isla markaana wejigiisii hore ee seere-xiliyeedku uu soo dhamaaday ayaa haatan waxaa si rasmi ah bilaabmay wejiga labaad ee lagaga faa’iidaysanayo biyaha roobka.
Mubaarik Ismaaciil Cismaan, isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ee gobolka Saraar, oo faah-faahin ka bixiyay mashruucani iyo faa’iidada uu leeyahay ayaa sheegay in u jeedadu tahay sidii wax looga qaban lahaa biyaha qul-qulka ku mara dhulkaasi.
Waxaanu yidhi“Waxaanu ka bilawnay seeraha Waylo-koriye, mashruuc ahaa qod-qod, isla markaana lagu joojinayo biyaha roobka ee sida xawliga ah meeshan dooxadda ah u marra, iyadoo biyo badani ay buuraha ku hareeraysan dooxadani ka soo rog madaan.
Biyahaasi waxay si toos ah ugu dhacaan dooxyadda waaweyn ee dhinaca woqooyi ka mara degmadda Wadaamo-goo, waxaanay biyahaasi qaadaan carradii nafaqadda lahayd, waxa kaloo ay qaadaan dhirta intii Siidhka u ahayd, waxyeelo badan ayay kolay deegaanka u keenaan. Sidaa darteed in la joojiyo, oo biyihii in la qabto, oo Moosas loo sameeyo daruuri ayay nqotay”.
Geesta kale Mubaarik Ismaaciil Cismaan, waxa kaloo uu sheegay mashruucani ay si toos ah u fulinayso, isla markaana u maal-gelinayso wasaaradda deegaanka Somaliland, iyadoona la maal-geliyay miisaaniyadda qaranka.
Isu-duwaha ayaa tilmaamay in mashruucani uu socon doono muddo laa bilood, isla markaana ay rejaynayaan in mudadaasi ay ku xidhaan dhul fara badan oo ay biyuhu si toos ah u dhaafi jireen.
“Shaqadani waxaa wadda oo aan cidna la kaashanaynin wasaaradda deegaanka jamhuuriyadda Somaliland. Waana mid ka mid ah mashaariicda qaranka ee laga maal-geliyo miisaaniyadda qaranka. Qod qodkani dadka ka shaqaynayaa waa 30 qof, oo ah. Sidaas ayaana lagu shaqaynayaa muddo laba bilood ah.
Waxaanan rejaynaynaa in mudadaa laba bilood ah la xidho dhulka inta ugu badan ee ay biyahaasi maraan, ee labadda jiho ee Laamiga labadda dhinac ka kala xigta. Anaguna sidaas ayaanu ku kor meeraynaa inta shaqadda la qabanayo” ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Saraar.