Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Magtii Gudoonsiyey Ehelada dadkii ku Dhintay Shaqaaqadii Buurta Gacan-libaax

0
75

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay magtii gudoonsiyey eheladda dadkii ku dhintay shaqaaqadii buurta Gacan-libaax ee horre go’aamada looga soo saaray.

Guddida Beelaha Garxajis ayaa dhawaan bixiyey lacag dhan $550,000 doollar oo ahayd magta askartii ku dhimatay Gacan-libaax.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegay in magta shaqaaqadii ka dhacday buurta Gacan Libaax, lagu dhameeyay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana waxa uu xusay in dhimashadu tahay 10 halka dhaawacana uu sheegay in ay yihiin 18.

Dhanka kale waxa uu xusay in marka laga reebo dhaawaca badhigooyada la siiyay in maxkamadda degmada loo gudbiyay howshooda si ay u xaqdo.

Waxaanu yidhi. “Mid ka mid ah beelaha reer Somaliland ee dega magaalada Burco, ayaa isu xilqaamay inay ergo ka galaan shaqaaqadii ka dhacday Buurta Gacan Libaax, lana dhammeystiro hawshaasi.

Magtii hawshaasi waxa lagu dhammeeyay dhimasho iyo dhaawac, dhimashadu 10 qof ayay noqdeen, halka dhaawucuna uu noqday 18 qof, waxaaney soo go’aamiyeen in dadka dhimashada ah magtii laga xukumey ay noqoto 120 halaad, isla markaana hashiiba lagu qiimeeyay 400 oo dollar, magtaasi waxa ay noqotay 48 kun oo dollar, hal nin oo ka mid ah ciidankii halkaasi ku geeriyooday oo raggi ciidanka watay ka mid ahaa dhaawiciisi waxa raacay fal dhaqankiisa iyo nidaamkiisu aanu fiicneyn waxaaney magtiisi ka soo qaadeen 170 halaad, oo halkasta lagu qiimeeyay sidii kuwii hore 400 dollar, waxaaney noqotay 68 kun oo dollar, 50 kun oo dollar ayaanu isla garanay markii aniga iyo odayaashu aanu tagney taliska guud ee ciidanka in dhaawica badhi gooyo ahaan loo siiyo.

Sidoo kale waxa aanu isla qaadanay in dhaawaca la xaqo, waxaanu isla garanay in maxkamadda degmada la geeyo halkaasina lagu xaqo.

Qoladaasi talladii ka soo baxday waxa ay noqotay saddex qodob oo kala ah, in la xaqo, nin walba in la siiyo qiraalaha magta lagu xaqay, in la qabto wakhti ay ku soo dhammaaneyso dadkaasi dhaawaca ah”