Wasiirka Gaadiidka oo u Kuur-galay Halka ay Marayso Daraasadda iyo Qiimaynta Jidka Hargeysa, Burco iyo Oodweyne

0
76

Qore Boqore Axmed Cabdi

Oodweyne (Dawan) Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, Mudane Raabi Cabdi Maxamed iyo maareeyaha wakaaladda horumarinata waddooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Oodwayne, safarkaasi oo ujeedadiisu ahayd u kuur-galida, qiimaynta, daraasada iyo halka ay marayso dhismaha wadada isku xidhidoonta Burco, Oodwayne iyo Hargeysa.

Wasiirka wasaaradd gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Mudane ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu ay salka ku haysay dhiirigelinta iyo qiimaynta daraasada jidka isku xidhaya magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Oodweyne, waxa uu xusay in qiimeynta hadda gacanta lagu hayay toddobaadkii u danbeeyay isla markaana uu shan goobood ka socdo.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in jidkani wax badan u tari doono bulshada degmada Oodweyne iyo guud ahaan dalkaba, waxaanu hoosta ka xariiqay inay wax weyn ka tari doonto xagga dhaqaalaha, isu socodka iyo dhan walba, waxaanu intaas ku daray in ay xukuumaddihii kala danbeeyay ee KULMIYE, ay dhammeystireen waddooyin badan oo hore ay u dhagax dhigeen.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in daraasadu socon doonto muddo sannad ah sida qorshaha qandaraasku ahaa, waxaanu intaas raaciyay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo helilahaa dhaqaalihii lagu dhisilahaa jidkani, waxaanu hoosta ka xariiqay inay balanqaadyo badan haystaan, kuwaas oo uu farta ku fiiqay inay ugu horeeyaan baanka adduunka, EU-da iyo ka xukuumad ahaanba wixii ay ka qabanayaan.

Gaba-gabadii waxa uu bulshada degmada Oodweyne uga mahadnaqay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu ku booriyay inay qayb weyn ka qaataan hirgelinta dhismaha jidka Hargeysa, Burco iyo Oodweyne.