Wasiirka Kalluumeysiga iyo Wafti uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay Gobollada Awdal iyo Gabiley

0
62

Qore Boqore Axmed Cabdi

Gabiley (Dawan) Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha Somaliland Mudane Maxamuud Warsame Jaamac iyo wafti uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, agaasime waaxeedyada iyo hawlwadeenadda ayaa kormeer shaqo ku tagey gobollada Awdal iyo Gabiley.

Wasiirka iyo waftigiisa waxa magaalada Gabiley ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka iyo duqa degmada Gabiley, waxaanu wasiirku masuuliyiintaas warbixin guud ka siiyay ujeedada kormeerkooda, waxaanu sheegay in salka ku hayso dardargelinta iyo moral dhiska shaqaalaha wasaaradda ku matala gobolka iyo xog ogaal u noqoshada hawlaha shaqo.

Sidoo kale wasiirku waxa uu masuuliyiinta gobolka Gabiley la wadaagey inay wadaan qorshe ay suuq weyn oo Kalluumeysi kaga hirgelinayaan magaalada Gabiley, gaar ahaan Tog-wajaale iyo Gabiley.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley iyo duqa degmada ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan una fududeynayaan wax kasta oo wasaaraddu uga baahato isla markaana lagu horumarinayo adeegbixinta gobolka Gabiley iyo degaanada hoos yimaada.