Xukuumadda oo Danyarta Gobollada Maroodi-jeex, Gabiley iyo Hawd u Qaybinaysa Raashin

0
60

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Mudane Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in ay raashin u qaybin doonaan qoysas tiradoodu dhan tahay shan kun iyo saddex boqol oo qoys.

Sidoo kale waxa uu xusay in dadkani ay yihiin kuwii abaaruhu saameeyeen, waxaanu tilmaamay in ay ku kala nool yihiin Gobolka Maroodi-jeex, Gabiley iyo Hawd.

Geesta kale waxa uu hoosta ka xariiqay in qaybinta raashinkan ay ka bilaabi doonaan degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex, intaas kadibna ay geyn doonaan degmooyinka kale.

Waxaanu yidhi.“Waan u mahadcelinaya guddoomiyaha gobolka Maroodijeex iyo guddoomiyeyaasha lixda degmo, oo raashin loo qaybin doono.

Qaybinta raashinkan ayaa ka bilaabmi doonta degmada Cadaadley, kuwa kalena dhab ahaantii ay wada gaadhi doonto.

Tirada guud ee aanu qaybinayna waxa ay noqonaysa haddii ALLE yidhaahdo, kolka la isku daro, Maroodijeex, Gabiley iyo Hawd, shan kun iyo saddex boqol oo qoys raashinkood ayaanu gaadhsiin doona hadii ALLE qadaro.

Bulshada aanu raashin ugu tallo galnay inuu gaadha waa kuwa jilicdasan, waana dadkii abaaruhu sameeyeen ee ku nool degmooyinka gobolka Maroodijeex, Gabiley iyo Hawd, markastana hay’adda aafaayooinku waxa ay u taagan tahay inay bulshada wax gaadhsiiso, sannadkasta mar ama laba jeer ayaanu gobolkasta ka qaybina raashin, marka doorkan waa gobolka Maroodijeex Hawd iyo Gabiley.”.

Gaba-gabadii guddoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Mudane Faysal Cali Sheekh, ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Mudane Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo guddoomiyeyaasha lixda degmo ee gobolka Maroodi-jeex, oo uu sheegay inay kaalin weyn ka qaateen isku soo dubaridka dadka loo qaybinayo raashinka.