Degmada Sallaxley oo Go,aan Laga Gaadhay Ilaalinta Danta Guud iyo Kala Xadaynta Beeraha

0
59

Sallaxley (Dawan) Maamulka degmada Sallaxley iyo waxgaradka deegaanada Dhimbiryaal iyo Hunduli ayaa isla qaatay sidii loo ilaalin lahaa dhulka danta guud ah iyo kala xadaynta Beeraha.

Maayerka degmada Sallaxley Maxamed Cabdi Haariye oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha deegaanka degmada Sallaxley ayaa kulan la qaatay Odayaasha gudiyada deegaanada Dhimbiriyaale iyo Hunduli oo katirsan degmada Sallaxley.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose waxa lagaga hadlay ilaalinta dhulka danta guud iyo sidoo kale kala xadaynta Beeraha iyo dhulka danta guud ah.

Maamulka degmada Sallaxley iyo Guddida deegaanada Dhimbiriyaale iyo Hunduli ayaa isla qaatay in la ilaaliyo dhulka danta guud iyo sidii loo kala Xadayn lahaa Beeraha iyo dhulka danta guud ah ee ay dawladdu leedahay ee Deegaanadaasi.

Gebo’gabadii waxa la isla gartay in meel looga soo wada jeedsado cidkasta oo ku xad gudubta dhulka danta guud ee bulshada ka dhexeeya iyo cid kasta oo ka soo hor jeedsata xala xadaybta Beeraha.