Guddi madax-bannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in la sii daayo Imran Khan

0
70

Koox khubaro ah oo madax-bannaan oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, iyaga oo caddeeyay in xadhiggiisa uu yahay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah.

Kooxdan oo fadhigeedu yahay Geneva oo u waramayey Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa daabacday ra’yigooda, iyaga oo sheegtay in mas’uuliyiinta Pakistan aanay wax sharci ah u hayn xadhiga Khan.

Kooxdan oo ka kooban shan xubnood ayaa tilmaamay in xadhiga 71-jirkan hogaamiyihii hore ee Pakistan uu baal marsan yahay ugu yaraan toban qodob oo ka mid ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda.

“Kooxdan Shaqadu waxay ka codsanaysaa dawladda Pakistan inay qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah sidii loo xalin lahaa xaaladda Mr. Khan oo aanu dib u dhac ku iman isla markaana waxay u soo jeediyeen dawlada in ay tix geliso xeerarka caalamiga ah ee khuseeya,” ayay tidhi.

Khan ayaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay saddex sano bishii Agoosto 2023 ka dib markii lagu eedeeyay dhaqamo musuqmaasuq ka dib maxkamad ay isaga iyo khubarada sharciga madaxa banaan ay ku dhawaaqeen inay ka buuxdo xadgudubyada nidaamka cadaaladeed. Saddex maalmood ka dib, guddiga doorashada ee Pakistan ayaa ka reebay inuu u tartamo xafiiska muddo shan sano ah.

Xukunka lagu riday ayaa la xidhiidh in uu ku guul dareystay in uu ka warbixiyo oo uu soo bandhigo hadiyado uu helay xiligii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa waxa loogu yeedho kiiska Toshakhana. Toshakhana – oo macneheedu yahay “Guriga khasnada” – waa waax dawladeed halkaas oo hadiyadaha ay helaan hogaamiyayaasha Pakistan inta lagu jiro booqashooyinka dawladda shisheeye lagu kaydiyo laguna soo bandhigo.

Kooxda Qaramada Midoobay ayaa go’aamisay in dacwad oogista aanay ku sharci ku salaysnayn bilowgii hore, balse ay u muuqato mid loogu talagalay in lagag saaro inuu u tartamo xafiis siyaasadeed.”

Soo jeedinta kooxdan ayaa ku taariikhaysan 25-kii March laakiin waxa la soo bandhigay Isniintii. Khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in “daawaynta ku habboon ay tahay in si degdeg ah loo sii daayo Mr. Khan oo la siiyo xuquuq la fulin karo oo magdhow ah iyo magdhowyo dib u dejineed.”

Khan, oo ah samafale, siyaasi iyo xiddigii hore ee Cricket-ka, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Agoosto ee la soo dhaafay. Waxa uu soo noqday ra’iisul wasaaraha Pakistan 2018 ilaa Abriil 2022, markii baarlamaanka kalsoonida lagala noqday ee mucaaradka ay xukunka ka tuureen.

Mas’uuliyiinta Pakistan oo lagu eedeeyay inay u dhaqmaan magaca ciidamada xoogga badan ee dalkaas, ayaa dacwado badan ka gudbiyay hogaamiyihii xilka laga tuuray, iyaga oo ku eedeeyay dil, fallaagonimo, laaluush iyo dambiyo kale.

In kasta oo ay jiraan xannibaado, doorashadii February 2024 xisbigiisa  PTI ayaa ku guulaystey kuraasta tooska ah ee la soo doortay, 92, laakiin waxay ka yaraayeen aqlabiyad fudud oo loo baahnaa si loo dhiso dawladda.

Toddobaadkii hore, Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa 368-7 ugu codeeyay in la sameeyo “baadhitaan buuxa oo madax-banaan waxa la  sheegayaa faragelin iyo khaladaad” ka dhacay doorashada Pakistan.

Balse Islamabad ayaa diiday baaqa baadhitaanka oo ay ku tilmaantay faragelin lagu hayo arrimaha gudaha ee dalka, iyaga oo sheegtay in qaraarka Kongareeska Maraykanka uu ka dhashay “fahamka aan dhameystirneyn ee xaalada siyaasadeed iyo hanaanka doorashada” ee Pakistan.