In ka Badan 50 Falastiiniyiin ah oo Duqeyn Lagu Dilay Gaza

0
84

Wararka ka imaanaya Gaza ayaa sheegay in weeraro cusub oo ay qaaday dawladda Israel lagu dilay tiro Falastiiniyiin ah oo ka badan 50 iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tiro ka badan 50 qof la dilay, waxaana dhaawacmay tiro kale markii la duqeeyay gaadhi marayay Mawasi oo ah goob la sheegay in ay ammaan tahay.

Weerarka kale ayaa lagu duqeeyay makhaayad u dhow iskuulka xarutna hayโ€™adda Qaramada Midoobay UNRWA ee xerada Nuseirat.

Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ballanqaaday in uu kordhinayo cadaadiska uu ku hayo xamaas.

Militeriga dalkiisana waxay sheegeen in ay beegsanayeen xagjiriin, waxay kaloo sheegeen in ay baadhayaan wararka sheegaya waxyeelada rayidka.

 

ย