Maamulka Gobolka Selel oo Dhagax-dhigey Ceelal lagu Kordhinaayo Biyaha Degmada Caasha-cado

0
72

 

Qore Khadar M. Xaashi

Saylac (Dawan) Maamulka gobolka Selel iyo ka degmada Saylac ayaa iyo masuuliyiin ka socda hay’adda Camuud Foundation, ayaa siwada jir ah u dhagax dhigey mashaariic horumarineed, kuwaas oo laga hirgelinayo degaano ka tirsan degmada Saylac ee gobolka Selel.

Mashaariicdan ayaa ka koobna ceelal riiga oo dhammeystiran, isla markaana laga hirgelinayo degaanada Caasha-cado iyo Kala-baydh.

Xidhiidha geeska Afrika ee hay’adda Camuud Foundation Axmed Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegay in ka hay’ad ahaan ay qorshahoodu yahay in degaanka Caasha-cado ay ku kordhiyaan saddex ceel oo kala duwan, waxaanu xusay in laba ceel ay u qoondeeyeen inay u qodaan dadka xoola dhaqatada ah ee u soo aroora dooxa Caasho-cado, sidoo kale waxa uu tilmaamay in ceel ay u dhan yihiin dhammaan baahiyihiisu inay u qodaan degmada Caasha-cado, waxa uu intaas raaciyay in degaanada Kala-baydh iyo Xuseen iyaga ay ka dhagax dhigi doonaan laba Ceel-biyood, waxaanu hoosta ka xariiqay inay tani tahay baahi ka timid dadka degaanka degmada Caasha-cado iyo degaanada hoos yimaada.

Maamula degmada Caasha-cado ayaa hay’adda waddaniga ah ee Camuud Foundation uga mahadceliyay dhagax-dhiga ceelasha biyaha, waxaaney xuseen inay abaal weyn ku leeyihiin bulshada degaanka, waxaaney farta ku fiiqeen inay wax kala qabteen qalabaynta goobaha caafimaadka, sidoo kale ay kaalmo raashina hore ugu qaybiyeen qaar ka mid ah bulshada degaanadaasi.

Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Selel, Mudane Mowliid Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ay dhagax dhigeen ceel biyoodyo lagu kordhinayo biyaha degmada Caasha-cado, waxa uu caddeeyay inay yihiin saddex ceel oo laba loogu talo galay inay xooluhu ka cabaan, halka ka kalena loo qoondeeyay inay bulshad degaanka Caasha-cado ka cabto, waxaanu hay’adda Camuud Foundation uga mahadceliyay sida ay uga jawaabeen fariintii ka timid bulshada degaanka Caasha-cado oo biyo yaraani ay haysay, waxa uu xusay in degmada Caasha-cado ay nabadgelyo tahay wax dhib ahina aanay ka jirin.