Madaxweynaha Somaliland oo Xilkii ka Qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal

0
83

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray shalay waxa uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye-ku-xigeenkii Gobolka Awdal Muumin Muuse Ducaale, isagoo xilkaasina u magacaabay Maxamed Cali Cabdillaahi Dhimbiil, oo noqon doona guddoomiye ku-xigeenka gobolka Awdal.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u dhigneyd sidan.

“Mudane, guddoomiye ku xigeen Muumin Muuse Ducaale, sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Waxaan Go’aamiyey, in Maxamed Cali Cabdillaahi Dhimbiil laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda.”