Magaalada oo Burco laga Dhagax Dhigay Ceel Biyood

0
77

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha Somaliland oo ay wehelinayeen maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco iyo masuuliyiin kale ayaa shalay magaaladda Burco ak dhagx dhigay laba ceel biyood oo riig ah.

Labdan ceel biyood oo kuwa dhaadheer ah waxaa hirgelinaysa wakaaladda biyaha ee magaaladda Burco, kuwaasoo qayb ka ah ceelal dhawr ahaa oo ay hore wakaaladda biyaha Burco magaaladaasi uga hirgelisay.

Waxaana labadan ceel biyood ee laga dhagax dhigay magaaladda Burco maal-gelinaysa haayadda Al-Wafaa foundation ee dalka Imaaraadka carabta, oo kaashanaysa sanduuqa King Salmaan, ee isla dalkaasi Imaaraadka carabta.

Xafladii dhagax dhiga labadan ceel biyood waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha Somaliland Nafiisa Maxamuud Shirwac, badhasaabka gobolka Togdheer Jaamac Maxamuud Biin, maayarka Burco, iyo sidoo kale ka socday haayadda Al-Wafaa foundation, iyo sanduuqa King Salmaan ee dalka imaaraadka carabta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Biyaha Somaliland Nafiisa Maxamuud Shirwac, oo dhagax dhiga labadan ceel biyood ka hadashay ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan dedaal ugu jiraan sidii magaaladda Burco loogu soo saari lahaa biyo macaan oo nadiif ah in ay dadkeedu helaan.

Maadaama oo ay magaaladda Burco ku nool yihiin daweyne aad u tiro badan, waxaanay tidhi “Waxaynu maanta (shalay) halkan ka dhagax dhigaynaa laba ceel, oo aynu u dhagax dhigayno wakaaladda biyaha Burco. Ceel aanu hore uga dhagax dhignay Burco, ayaa guul daraystay, balse waxaa lagu bedelay labadan ceel.

ILLAAHAY SWT ayaa mahad iska leh inuu suurto geliyay in aynu labadan ceel ka dhagax dhigno magaaladda Burco, oo ah magaalo ay dad weyne aad u fara badani ku nool yihiin, isla markaana u baahan in ay hesho ama biyaha loo kordhiyo, oo ceelasha loo kordhiyo, oo mar kastaba u baahan in biyaheeda laga war hayo, oo la kordhiyo, oo la balaadhiyo”.

Waxa kaloo ay agaasimaha biyaha sheegtay in guud ahaanba ay masuuliyadi kas aaran tahayw ax ka qabashada baahiyaha biyaha ee dalka oo dhan. “Ka wasaarad ahaan masuuliyad baa naga saaran biyaha dalkoo dhan, in aanu meel kasta oo ay baahiyi ka jirto hoos u eegno, oo aanu u raadino biyo ku filan oo nadiif ah, oo dadka, xoolaha iyo beerahaba laga dhergiyo” ayay tidhi agaasime Nafiisa Maxamuud Shirwac.

Jaamac Maxamuud Biin, badhasaabka gobolka Togdheer oo isna dhagax dhiga labadaasi ceel hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay wasaaradda biyaha Somaliland dedaalka badan ee ay gelisay sidii biyo u filan loogu soo saari lahaa guud ahaanba gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco.

Badhasaabka Togdheer oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ku rejo weynahay, in labadan ceel biyood si dhakhso ah loo dhameeyo, oo lagu guulaysto. Waxaan u mahad naqayaa wasaaradda biyaha oo dedaal badan ku bixisay soo saarista biyaha Burco, gobol ahaanba ilaa iyo xuduudka ilaa magaaladda gudaheedda”.

Sidoo kale maareeyaha wakaaladda Biyahaa Burco Sekeriye C/raxmaan Lamuumbe, “Waxaa farxad noo ah inaa dhagax dhigayno labadan ceel biyood, oo midkood uu hore u shaqayn jiray, balse uu hadda naga dumay, kaasoo waraabin jiray dad badan oo ilaa afar kaamam baro-kaceyaal ah.

Waa ILLAAHAY SWT mahadii mar haddii ay wasaarada biyuhu ka soo jawaabeen codsigii aanu hore ugu dirnay, iyagoo kaashanaya haayadda Al-wafaa, iyo boqor salmaan” ayuu yidhi maareeyaha wakaaladda biyaha ee magaaladda Burco Sekeriye Lamuumbe.

Geesta kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay masuuliyiin ka socday haayada King Salmaan, iyo Al-wafaa, kuwaasoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin dhagax dhiga labadan ceel biyood ee Riiga ah, isla markaanay ay ceelashani qayb ka yihiin ceelal fara badan oo ay meelo kala duwan oo dalka ah ka hirgeliyeen.