Nasrallah oo ku hanjabay beegsi cusub oo ka dhan ah Israa’iil

0
92

 

Hoggaamiyaha Xizbullah Xasan Nasrallah ayaa Arbacadii ka digay in kooxdiisa Iran ay taageerto ay beegsan doonto bartilmaameedyo cusub oo Israa’iil ah haddii dad kale oo rayid ah lagu dilo duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan.

Xizbullah iyo Israa’iil ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamas iyo Israa’iil kadib weerarkii kooxda reer Falastiin ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October.

“Haddii cadowgu uu sii wado beegsiga dadka rayidka ah sidii uu sameeyay maalmihii la soo dhaafay, markaas tani waxay nagu riixi doontaa inaan bartilmaameedsanno meelaha aynaan ilaa hadda beegsan,” ayuu yidhi Nasrallah.

Wakaaladda Wararka Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta ay ku dhinteen shan qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo Suuriyaan ah Talaadadii.

Iyada oo ka jawaabaysa, Xizbullah waxa ay sheegtay in ay gantaallada Katyusha ku garaacday waqooyiga Israa’iil.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa wax laga naxo ku tilmaantay dilka carruurtaasi oo la sheegay inay ku ciyaarayeen afaafka hore ee gurigooda, xilliga weerarka.

Nasrallah ayaa uga digay Israa’iil cawaaqibka ka dhalan kara duulaan kasta oo ay ku qaado Lubnaan, isagoo sheegay in Israa’iil aanay u hadhi doonin wax taankiyo ah, haddii dagaal weyn uu qarxo.

Milatariga Israa’iil ayaa bishii hore sheegay in “qorshayaasha howlgal ee duullaanka Lubnaan la ansixiyey lana sharciyeeyey.”

Nasrallah oo ka hadlayey xuska maalinta Caashuuraa ee Shiicada, ayaa ballan-qaaday inuu caawin doono kumaaan qof oo reer Lubnaan ah oo guryahooda ay ku burbureen weerarada xuduudda.

Tan iyo bishii Oktoobar, rabshadaha xudduudaha ayaa ku dilay Lubnaan 511 qof, oo u badan dagaalyahanno laakiin sidoo kale ay ku jiraan ugu yaraan 104 rayid ah, sida ku cad xog ururinta wakaaladda wararka ee AFP.

Dhinaca Israa’iil, 17 askari iyo 13 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.